RASMI: Kulan Premier League Ah Oo La Dheeli Lahaa Axada Oo La Baajiyay Iyadoo Xilli Ciyaareedka Uu Halis Ku Jiro

Advertisements

Kulanka Aston Villa ay la ciyaari laheyd Everton maalinta Axada ayaa dib loo dhigay iyadoo cudurka Korona Fayras uu weli faro ba’an ku hayo habsami u socodka xilli ciyaareedka.

Villa ayay qasab ku noqotay inay kooxdeeda da’ yarta ciyaarsiiso kulankii FA Cup ee ay isbuucii la soo dhaafay la ciyaareen Liverpool ka dib markii qaar badan oo ka mid ah ciyaartoydooda uu ku dhacay Korona Fayras islamarkaana la xiray garoonkooda tababarka.

Kulankii Premier League ee ay xalay la dheeli lahaayeen Tottenham ayaa isna la baahiyay iyadoo lagu bedelay Fulham.

Haatan Villa ayaa bilaa ciyaar noqon doonta isbuuca soo socda mar kale ka dib markii maamulka Premier League ay xaqiijiyeen in kulankoodii Everton isna la baajiyay.

Warbixin ay soo saareen Premier League ayaa lagu yiri: “Kulankii ay Aston Villa gurigeeda kula ciyaari laheyd maalinta Axada ee 17ka bisha Janaayo waa la baajiyay.

“Maamulka Premier League waxay aqbaleen codsigii Aston Villa ee ahaa in kulankaan dib loo dhigo.”

Dhanka kale waxaa isna la shaaciyay waqtiga la ciyaarayo kulan kale oo Aston Villa ka baaqday oo ay 4tii December la dheeli laheyd Newcastle.

Waxay labada kooxood dib u ciyaarayaan Sabtida 23ka Janaayo.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*