RASMI: Koeman Oo Shaaciyey Xiddigaha Barcelona Ee Kulanka Huesca – Miyey Soo Laabteen Ciyaartoydii Dhaawacnaa?

Barcelona ayaa heshay war ay ku faraxdo ka hor kulanka Huesca ee caawa, waxaana usoo laabtay difaaca dhexe ee Ronald Araujo oo qayb ka noqday safka ciyaartoyda kooxdiisa ee uu Ronald Koeman shaaciyey.

Advertisements

Difaaca reer Uruguay ayaa dhaawac kasoo gaadhay kuranta bishii hore, ciyaartii ay ku waajaheen Real Betis, iyadoo sidoo kalena uu sibiq uga soo muuqday kulankii Sevilla ee usbuucyo ka hor, markaas oo uu dib ugu laabtay dhaawacii uu kasoo kacay.

Barcelona oo ay ka dhaawacan yihiin dersin ciyaartooyo ah ayaa farxad ku qaabbishay soo laabashada Ronald Araujo, kaas oo difaaca dhexe ka beddeli doona Frenkie de Jong oo si ku-meelgaadh ah uga sii ciyaarayay, isla markaana ku laaban doona khadka dhexe.

Blaugrana ayaa waxa kulamadii ugu dambeeyey walaac weyn ku hayay dhaawac soo gaadhay Gerard Pique xilli uu Araujo maqnaa, taas oo ay u raacday kalsoonidii uu tababare Koeman ku qabay da’yarka Oscar Minguez oo iyaduna hoos usii dhacaysay.

Advertisements

Clement Linglet ayaa ahaa difaaca dhexe ee kaliya ee ay kooxdu haysato ee inta badan taamka ka ah dhaawacyada, laakiin isagana waxa saluug ka jiraa qaab ciyaareedkiisa oo uu marar badan qaladaad sameeyo, halka Samuel Umtiti oo kasoo noqday dhaawac aanu helin kalsoonida tababarihiisa.

Kulanka caawa ee Huesca, tababaraha reer Netherlands ee Koeman ayaa ugu yeedhay goolhyaha da’da yar ee Arnau Tenas oo liiska uu kusoo daray, halka da’yarka kale ee Ilaix Moriba uu isaguna mar kale ka mid yahay ciyaartoyda kooxda.

Barcelona ayay dhaawacyo muddo dheer qaatay kaga maqan yihiin Ansu Fati, Philippe Coutinho iyo Sergi Roberto oo aan wali soo kabanin, waxaana u raacay Gerard Pique oo liiskoodan isaguna galay.

Kulanka caawa haddii ay Barcelona badiso, waxay dib ugu soo laaban doontaa kaalinta labaad ee horyaalka LaLiga, iyadoo laba dhibcood ka sarrayn doonta Real Madrid, sidoo kalena afar dhibcood u jirsan doonta Atletico Madrid oo hoggaanka horyaalka haysa.

Liiska dhamaystiran ee ciyaartoyda Barcelona ee  kulanka Huesca:

Ter Stegen, Neto, Tenas; Dest, Mingueza, Araujo, Lenglet, Umtiti, Alba, Firpo; Busquets, Matheus, Ilaix, De Jong, Pedri, Puig, Pjanic; Braithwaite, Dembele, Messi, Trincao, Griezmann.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*