RASMI: Kabtanka Liverpool Oo Ku Guuleystay Abaalmarinta Xiddiga Sannadka England & Xiddigihii Uu Abaalmarinta Ka Qaaday Oo La Shaaciyay

Advertisements

Kabtanka kooxda Liverpool Jordan Henderson ayaa ku guuleystay abaalmarinta xiddiga sannadka ee xulka England ee 2019.

Jordan Henderson ayaa abaalmarinta ka qaaday weeraryahanka Manchester City Raheem Sterling iyo weeraryahanka Tottenham Harry Kane.

Henderson ayaa todoba kulan u dheelay xulka England sannadkii la soo dhaafay isagoo gaaray safashadiisii 50aad kulankii ay ka badiyeen xulka Montenegro bishii March.

29 jirkaan ayaa ka caawiyay xulka Three Lions inay u soo baxaan tartanka Qaramada Yurub ee UEFA Euro 2020 halka ay sidoo kale kaalinta seddexaad ka soo galeen tartaka UEFA Nations League oo ay Portugal qaaday.

Dhan kooxeed marka la eego Jordan Henderson waxa uu kor u qaaday seddex koob sannadkii 2019 iyadoo Liverpool ay ku guuleysatay Champions League, UEFA Super Cup iyo FIFA Club World Cup.

Advertisements

Xilli ciyaareedkan Reds ayaa 14 dhibcood ku hogaamineysa tartanka horyaalka Premier League, halka ay u soo baxeen wareega 16ka Champions League, waxayna qeyb ka yihiin tartanka FA Cup halka ay ka soo hareen Carabao Cup.

Gabadha khadka dhexe ka ciyaarta ee kooxda Lyon ayaa iyadana ku guuleysatay abaalmarinta xiddigta sannadka ee hablaha xulka England.

Leave a Reply

Your email address will not be published.