RASMI: Go’aan Lama Filaan Ah Oo Laga Gaaray Casaankii Son Heung-min Lagu Siiyay Dhaawacii Halista Ahaa Ee Andre Gomes

Advertisements

Weeraryahanka Tottenham Son Heung-min ayaa casaankii lagu siiyay sababtii uu ku lahaa dhaawacii halista ahaa ee soo gaaray Andre Gomes ayaa laga noqday.

Guddi madax banaan ayaa dhanka kale u rogay go’aankii uu garoonka dhexdiisa ku qaatay garsoore Martin Atkinson kaasoo casaan toos ah siiyay Son ka dib dhacdadii argagaxa laheyd.

Garsoore Atkinson ayaa markii hore doonayay inuu kaadh jaale ah siiyay weeraryahanka South Korea laakiin markii uu arkay jabka lugta ka soo gaaray Gomes waxa uu go’aansaday inuu casaan toos ah siiyo.

Son ayaa ilmeeyay ka dib markii uu sabab u noqday dhaawaca halista ahaa ee soo gaaray Gomes kaasoo ka jabay lugta islamarkaana canqowga uu ka kala baxay.

Tottenham ayaa racfaan ka qaadatay casaanka la siiyay Son, iyadoo guddi madax banaan oo seddex qof ka kooban ay dib u eegeen dhacdada waxaana y go’aan ku gaareen inay qalad aheyd in casaan la siiyo xiddiga reer South Korea.

Waxayna taasi keentay in Son haatan laga masaxo casaankii la siiyay kulankii Everton isagoo Tottenham u dheeli kara kulanka isbuuca soo socda.

Andre Gomes ayaa dhanka kale laga soo saaray cusbitaalka ka dib markii qaliin lagu sameeyay iyadoo kooxda Everton ay sheegtay in qaliinkiisa lagu guuleystay.

Advertisements

Xiddigii hore ee Barcelon ayaa la filayaa inuu dhowr bilood garoomada ka maqnaado madaama jab xun uu soo gaaray.

Kulankii Axada ee kooxaha Everton iyo Tottenham ayaa ku soo dhamaaday barbaro gool iyo gool ah.

Comments are closed.