RASMI: Garsooraha Dhexdhexaadin Doona Kulanka Liverpool vs Manchester United Oo La Shaaciyey – Muxuu Yahay Xidhiidhka Ka Dhexeeya Jurgen Klopp?

Advertisements

Garsooraha dhexdhexaadin doona kulanka Liverpool iyo Manchester United ee Axadda ayaa la shaaciyey, waxaanu noqday mid ay arrimo hore ka dhexeeyeen tababare Jurgen Klopp.

Maamulka Premier League ayaa magacaabay garsooraha qaban doona kulanka ugu weyn horyaalka Premier League ee ay labada kooxood ee ugu guulaha badan tartankan ay ku ballansan yihiin, waxaana durba walaac galay Liverpool oo aan ku faraxsanayn sababtoo ah arrimo hore u dhexmaray Klopp.

Liverpool ayaa rajaynaysa inay garoonkeeda kaga adkaato Manchester United si ay hoggaanka horyaalka ugu soo laabato haddii ay Red Devils lasii wareegto caawa oo ay Burnley la ciyaarayso.

Laakiin garsooraha loo magacaabay ciyaartan oo ah Paul Tierney ayay ka naxday Liverpool, sababtoo ah waxay hore uga muujiyeen cabashooyin kulamo uu u qabtay oo ay ku eedeeyeen inuu ka eexday.

Paul Tierney oo ay da’diisu tahay 40 jir ayaa garoore ka ahaa kulankii Liverpool ay bishii July ee sannadkii hore garoonka Anfield kula ciyaartay Aston Villa.

Georginio Wijnaldum ayaa ciyaartaas uu garsoore Tierney u taagay kaadh cas, sidoo kalena waxa laga diiday laag xor ah, xilli tababare Jurgen Klopp iyo garsooruhuna ay isku muruxsadeen oo ay garoonka dhexdiisa ku murmeen.

Sida uu qoray wargeyska Liverpool Echo, Tierney ayaa ugu jawaabay Klopp oo cabanayay: “Way i dhaaftay taasi Jurgen. Waan jecelahay ciyaartoyga, qaladaadna waan samaynayaa laakiin umaan badheedhin. Way dhamaatay hadda.”

Garsoore Tierney waxa uu xili ciyaareedkan soo qabtay laba ciyaarood oo Liverpool ay dheeshay, waxaanay midda hore ahayd ciyaartii ay Chelsea kusoo garaaceen 2-0 iyo kulankii bishii hore ee barbarraha ay la galeen Newcastle United.

Garsoorahan ayaa waxa kale oo uu qabtay kulankii Manchester United ay 3-1 kaga badisay Everton xili ciyaareedkan.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*