RASMI: Gareth Southgate Oo Shaaciyey Xiddigaha Xulka Qaranka England Ee Kulamada Isreeb-Reebka Koobka Adduunka

Tababaraha xulka qaranka England ee Gareth Southgate ayaa dib ugu yeedhay ciyaartooyo ay beri hore ugu dambaysay oo ka mid noqonaya xulka qaranka England ee kulamada isreeb-reebka Koobka Koobka Adduunka ee dhamaadka bishan.

Advertisements

Xiddigaha ay ka midka yihiin Jesse Lingard, Luke Shaw iyo John Stones oo wacdaro ka dhigay horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League bilihii ugu dambeeyey ayaa lagu soo daray xulka qaranka England oo ay muddo mka maqnaayeen.

Weeraryahanka Aston Villa ee Ollie Watkins iyo goolhyayaha West Bromwich Albion ee Sam Johnstone ayaa markii ugu horreysay ka mid noqday xulka qaranka England ee  maanta uu soo saaray Gareth Southgate.

Difaaca Liverpool ee Trent ALexander-Arnold ayaa laga reebay xulka Qaranka England iyadoo markii ugu horreysay ka maqnaanayo 26ka laacib ee waddankiisa.

England ayaa la ciyaari doonta San Marino oo marti u noqon doonta marka ay taariikhdu tahay March 25 ka hor inta aanay Albania u tegin March 28 iyo kulanka saddexaad oo noqonaya Poland oo 31 March ay soo dhoweyn doonaan.

17 jirka khadka dhexe uga ciyaara Borussia Dortmund ee Jude Bellingham ayaa lagu soo daray xulka qaranka, laakiin waxa laga  yaabaa in laga reebo sababo la xidhiidha xayiraadaha Korona Fayras.

Advertisements

Xulka qaranka England

Goolka: Dean Henderson (Manchester United), Sam Johnstone (West Brom), Nick Pope (Burnley).

Difaaca: Ben Chilwell (Chelsea), Conor Coady (Wolves), Eric Dier (Tottenham), Reece James (Chelsea), Harry Maguire (Manchester United), Tyrone Mings (Aston Villa), Luke Shaw (Manchester United), John Stones (Manchester City), Kieran Trippier (Atletico Madrid), Kyle Walker (Manchester City).

Dhexda: Jude Bellingham (Borussia Dortmund), Phil Foden (Manchester City), Jesse Lingard (West Ham, on loan from Manchester United), Mason Mount (Chelsea), Kalvin Phillips (Leeds), Declan Rice (West Ham), James Ward-Prowse (Southampton).

Weerarka: Dominic Calvert-Lewin (Everton), Harry Kane (Tottenham), Marcus Rashford (Manchester United), Bukayo Saka (Arsenal), Raheem Sterling (Manchester City), Ollie Watkins (Aston Villa).

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*