RASMI: FIFA Oo Go’aan Ka Gaartay Haddii Xiddiga Barcelona U Soo Baxay Ansu Fati Uu Matali Karo Xulka Spain

Advertisements

Ka dib markii uu si aan caadi aheyn ku bilowday xilli ciyaareedka 16 jirka weerarka ka ciyaara Ansu Fati ayaa haatan si rasmi ah loogu ogolaaday inuu matali karo xulkaq qaranka Spain.

Ansu Fati ayaa masraxa kubada cagta soo koray bilowgii xilli ciyaareedkan isagoo ka faa’deystay dhaawacii uu ku maqnaa xiddiga Barcelona Lionel Messi, waxaana uu dhaliyay labo gool halka uu sidoo kale caawin sameeyay.

Qaab ciyaareedkiisa fiican ayaana keentay in xulka qaranka Spain ay u xusul duubtaan in xiddigaan uu iyaga matalo mustaqbalka inkastoo uu u ciyaari karay xulka Portugal iyo xulka Guinea Bisau.

Ansu Fati ayaa la gudoonsiiyay dhalashada dalka Spain bishii September, waxaana xiriirka kubada cagta Spain ay warqadaha ogolaansho u gudbiyeen FIFA iyadoo ururka kubada cagta Adduunka ay maanta u ansixiyeen inuu si rasmi ah u matali karo xulka Spain.

Xiriirka kubada cagta Spain ayaa doonayay in Ansu Fati uu qeyb ka noqdo xulka Spain ee ka qeyb galaya Koobka Adduunka ee U17 ee ka dhacaya Brazil, laakiin waa laga saaray liiska ciyaartoyda ee koobkaas loo magacaabay madaama FIFA aysan ansixinin dukumiintigiisa waqtigaas.

Advertisements

Si kastaba, waxaa haatan la filayaa inuu u dheelo xulka Spain ee da’dooda ka yar tahay 21 sanno bisha November ee soo socota marka ay la ciyaarayaan xulalka Germany iyo Montenegro.

Ansu Fati ayaa inkastoo uu doortay xulka Spain hadana waxa uu weli u dheeli karaa Portugal ama dalka uu asal ahaan ka soo jeedo ee Guinea Bisau madaam sida kaliya ee uu Spain u ekaan karo ay tahay inuu u dheelo tartan rasmi ah xulka waa weyn sida isreebreebka Euro 2020.

Comments are closed.