RASMI: Didier Deschamps Oo Ku Dhawaaqay Liiska Xulka Qaranka France Iyo Xiddigaha Waaweyn Ee Dib Loogu Yeedhay – Miyuu Ku Jiraa Karim Benzema?

Tababaraha xulka qaranka Faransiiska ee Didier Deschamps ayaa ku dhowaaqay liiska xulka dalkaas ee kulamada isreeb-reebka Koobka Adduunka ee dhamaadka bishan May.

Advertisements

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Tottenham ee Tanguy Ndombele oo wacdaro ka dhigaya horyaalka Premier League ayaa dib loogu soo celiyey xulka, waxaana 24 jirkan oo ay ugu dambaysay inuu xidho shaadhka dalkiisa xagaagii 2019kii uu hadda qayb ka noqday xiddigaha ka hor tegaya Ukraine, Kazakhstan iyo Bosnia-Herzegovina.

Advertisements

Ciyaartoyda kale ee dib u helay kalsoonida tababaraha waxa ka mid ah Thomas Lemar oo dhexda uga ciyaara Atletico Madrid, ayna ugu dambaysay inuu u safto dalkiisa November 2019, halka weeraryahanka Barcelona ee Ousmane Dembele oo ka mid ahaa xiddigihii ku guuleystay Koobkii Adduunka ee 2018 uu isaguna markii ugu horreysay muddo laba sannadood iyo badh ah xidhanayo garanka qarankiisa.

Didier Deschamps oo ka hadlayay Ndombele, Lemar iyo Dembele ayaa amaanay saddexdan laacib, waxaanu yidhi: “Thomas bandhiggiisu joogto ayuu ahaa toddobaadyo dhawr ah. Bandhiggiisu wuu fiican yahay, si la mid ah Tanguy. Bandhigga Tanguy wuxuu u dhow yahay midkii aynu ku arki jirnay markii uu joogay Lyon.”

Yaa kale ee ku jira xulka qaranka France?

Weeraryahanka Manchester United ee Anthony Martial ayaa ka mid noqday xulka qaranka Faransiiska inkasta oo uu dhaawacan yahay, waxaana sidoo kale ku jira Paul Pogba oo lix toddobaad garoomada ka maqnaa laakiin usbuucan \soo laabtay.

Alphonse Areola, Hugo Lloris, Kurt Zouma, N’Golo Kante, Moussa Sissoko iyo Olivier Giroud ayaa sidoo kale lagu soo daray xulka qaranka France oo tiradoodu ay tahay 26 laacib.

Steven N’Zonzi, Marcus Thuram, Corentin Tolisso iyo Theo Hernandez ayaan qayb ka noqon xulka France, halka Karim Benzema uu wali sidii ku maqan yahay.

Xulka qaranka France oo dhamaystiran:

Goolka: Alphonse Areola (Fulham, on loan from Paris Saint-Germain), Hugo Lloris (Tottenham), Steve Mandanda (Marseille), Mike Maignan (Lille)

Difaaca: Lucas Digne (Everton), Leo Dubois (Lyon), Lucas Hernandez (Bayern Munich), Presnel Kimpembe (Paris Saint-Germain), Clement Lenglet (Barcelona), Ferland Mendy (Real Madrid), Benjamin Pavard (Bayern), Raphael Varane (Real Madrid), Kurt Zouma (Chelsea)

Khadka Dhexe: N’Golo Kante (Chelsea), Tanguy Ndombele (Tottenham), Paul Pogba (Manchester United), Adrien Rabiot (Juventus), Moussa Sissoko (Tottenham)

Weerarka: Wissam Ben Yedder (Monaco), Kingsley Coman (Bayern), Ousmane Dembele (Barcelona), Olivier Giroud (Chelsea), Antoine Griezmann (Barcelona), Thomas Lemar (Atletico Madrid), Anthony Martial (Manchester United), Kylian Mbappe (Paris Saint-Germain)

1 Fekrad

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*