RASMI: Da’ Yarka Ugu Fiican Dunida Oo La Caleemo Saaray & Xiddigihii Hore U Soo Guuleystay Abaalmarintaan

Weeraryahanka Barcelona Ansu Fati ayaa loo caleemo saaray inuu yahay da’ yarka ugu fiican dunida isagoo haatan ka soo kabsanaya dhaawac jilibka ah oo uu muddo dheer la maqnaa.

Advertisements

18 jirkaan oo rajeynaya inuu garoomada ku soo laabto xilli dhow ayaa maanta oo Talaado ah loo caleemo saaray da’yarka ugu fiican dunida. Ciyaartoyda da’da yar waxaa loo arkaa kuwa dhashay sannadkii 2002 iyo wixii ka danbeeyay.

Da’ yarkaan ayaa abaalmarinta ka qaaday xiddiga khadka dhexe ee Rennes Eduardo Camavinga iyo xiddiga Borussia Dortmund Giovanni Reyna kuwaasoo kala galay kaalimaha labaad iyo seddexaad.

Fati saaxiibkiisa Barcelona Pedri ayaa soo galay kaalinta afaraad, halka xiddiga u soo baxay Barcelona haatan Ilaix Moriba uu soo galay kaalinta 50aad.

Abaalmarintan waxaa bixisa shabakada Goal.com sannad walba tan iyo sannadkii 2016 iyadoo ay u codeeyaan joornaaliistayaasheeda shabakada kala duwan ee Goal ee 44ka wadan ah.

Fati ayaa ah xiddigii lixaad ee ku guuleysta abaalmarinta oo la soo bilaabay sannadkii 2016 waxa uu ku biirayaa oo hore ugu soo guuleystay Jadon Sancho, Gigi Donnarumma, Rodrygo Goes, Youri Tielemans iyo Justin Kluivert.

Advertisements

1 Fekrad

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*