RASMI: Claudio Ranieri Oo Loo Magacaabay Shaqadiisii 20aad Ee Tababarenimo & Liiska Kooxaha Uu Soo Tababaray Oo Dhameystiran

Advertisements

Claudio Ranieri ayaa loo magacaabay tababaraha kooxda Sampdoria isagoo saxiixay heshiis labo sannadood ah, waxaana uu tababaraha Talyaaniga qabanayaa shaqadiisii 20aad ee waayihiisa tababarenimo.

Tababaraha Talyaaniga oo 67 sanno jir ah ayaa ku hogaamiyay kooxda Leicester City koobkii taariikhiga ahaa ee Premier League sannadii 2016, laakiin waxa uu ku guuldareystay inuu shaqo uu ku negaado helo tan iyo markii laga ceyriyay kooxda Ingariiska sannad ka dib.

Tababarihii hore ee Chelsea ayaa kooxda Serie A ka dhisan waxa uu ka qaadan doonaa isbuucii mushahar gaaraya 34 kun ginni.

Shaqadii ugu danbeeyay ee Ranieri waxay aheyd AS Roma isagoo ooyay kulankiisii ugu danbeeyay ee kooxda bishii May taasoo aheyd markii labaad oo uu macalin u noqdo Roma.

Ka hor shaqadaas waxa uu muddo gaaban tababare ka soo ahaa kooxaha Fulham iyo Nantes.

Kooxaha uu Ranieri tababare u soo noqday:

Greece

Monaco

Inter Milan

Juventus

Parma

Valencia (labo jeer)

Chelsea,

Atletico Madrid

Fiorentina

Napoli

Cagliari

Puteolana

Vigor Lamezia

Fulham

Nantes

Leicester City

AS Roma (Labo jeer).

Warbixin kooban oo la baahiyay maanta Sampdoria ayaa shaacisay: “Madaxweyne Massimo Ferrero iyo Sampdoria waxa ay ku faraxsan yihiin inay Claudio Ranieri ku soo dhaweeyaan kooxda.

Advertisements

“Ranieri waxaa loo magacaabay tababaraha kooxda koowaad heshiis labo sannadood ah oo dhamaanaya 30ka Juun 2021.

“Madaxweynaha waxa uu u rajeeyay tababaraha cusub iyo shaqaalihiisa nasiib wacan inta ka hartay xilli ciyaareedka.”