RASMI: Casemiro, Carvajal Iyo Hazard Oo Ka Maqan Liiska Ciyaartoyda Real Madrid Ee Kulanka Atalanta Ee La Shaaciyey

Zinedine Zidane ayaa shaaciyey liiska xiddigaha kooxdiisa ee  kulanka Champions League ee Atalanta oo Salaasada ay ku qaabbili doonaan garoonka Alfredo Di Stefano lugta labaad ee wareegga 16ka.

Advertisements

Labadan kooxood oo ciyaartoodii hore ee ka dhacday Talyaaniga ay 1-0 kusoo badisay Real Madrid, waxa ay si dhab ah ugu kala bixi doonaan kulankooda Salaasada, waxaana Zinedine Zidane uu sii shaaciyey liiska xiddigaha kooxdiisa ee kulankan uu u diyaarsaday.

Real Madrid ayaa waxa kulankan ka maqan xiddiga reer Brazil ee Casemiro oo ganaax ah kaddib laba kaadh oo uu qaatay, waxaase usoo laabtay Marcelo oo ciyaartii Sabtidii ku seegay dhaawac.

Warka ay Los Blancos ka naxday ayaa waxa uu yahay in Real Madrid ay wayday xiddiga reer Belgium ee Eden Hazard oo Sabtidii 15 daqiiqadood ciyaaray laakiin uu haddana ku habsaday dhaawac kale oo muruqa ah, kaas oo aan la ogeyn muddada uu ku maqnaan doono.

Advertisements

Zidane ayaa sidoo kale aan u yeedhin difaacyada midig ee Dani Carvajal iyo Alvaro Odriozola oo dhaawacyo kula maqan Mariano Diaz.

Liiska ciyaartoyda Real Madrid ayaa waxa ku jira xiddigihii ciyaartii lugtii hore ka maqnaa ee Karim Benzema, Sergio Ramos iyo Rodrygo Goes oo kulankan rajaynaya inay kusoo bilowdaan, halka Hugo Duro uu yahay laacibka kaliya ee da’yarta ah ee liiska lagu soo daray.

Real Madrid ayaa wareegga siddeedda waxay ugu doo gudbi kartaa inay badis iyo barbarro, halka Atalanta ay u baahan tahay inay kaga adkaato Real Madrid wax ka badan 1-0.

Halkan kaga bogo ciyaartoyda Real Madrid ee kulanka Atalanta

Goolka: Thibaut Courtois, Andriy Lunin, Diego Altube

Difaaca: Eder Militao, Sergio Ramos, Rapahel Varane, Nacho, Ferland Mendy iyo Marcelo

Dhexda: Toni Kroos, Luka Modric, Fede Valverde, Isco

Weerarka: Karim Benzema, Marco Asensio, Lucas Vazquez, Vinicius Jr, Rodrygo, Hugo Duro

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*