RASMI: Barcelona Oo Shaacisay 20ka Xiddig Ee Ay Kala Hortagayaan Valencia Habeen Danbe – Messi Oo Ka Mid Ah 4 Xiddig Oo Dhaawac Ku Maqan

Advertisements

Barcelona ayaa shaacisay liiska 20ka xiddig ee ay kala hortagayaan kooxda Valencia habeen danbe, iyagoo markii labaad xilli ciyaareedkan horyaalka La Liga ku ciyaaraya garoonka Camp Nou.

Blaugrana ayaa kulamo adag ay isagu xigxigaan iyadoo kulanka Valencia ka dib la ciyaari doona kooxda Borussia Dortmund kulanka furitaanka wareega group-yada Champions League.

Luis Suarez ayaa dib ugu soo laabtay kooxda Barcelona ka dib dhaawac uu ku maqnaa labadii kulan ee ugu danbeysay ee horyaalka Spain.

Laakiin Barcelona waxaa weli dhaawac uga maqan Lionel Messi kaasoo xitaa shaki la gelinayo inuu taam u noqdo kulanka Champions League ee Borussia Dortmund.

Waxaa sidoo kale dhaawac ku maqan weeraryahan Ousmane Dembele, goolhaye Neto iyo daafaca dhexe Samuel Umtiti kaasoo ay Barcelona shaacisay inuu garoomada ka maqnaan doono muddo shan ilaa lix isbuuc ah.

Advertisements

Xiddiga Barcelona u soo baxay ee Ansu Fati ayaa mar kale lagu soo daray liiska kooxda koowaad waxaana macquul ah inuu qeyb ka ciyaaro kulanka Camp Nou.

RIix Halkaan Si Aad U Akhriso:  TOP 10: Tobanka Garoon Ee Ugu Fiican Kooxaha Isboortiga Caalamka Oo La Shaaciyay & Koox Ingariis Ah Oo Kaalinta 1aad Gashay

XIDDIGAHA BARCELONA EE KA HORTAGAYA VALENCIA:

Ter Stegen, N. Semedo, Piqué, I. Rakitic, Sergio, Todibo, Arthur, Suárez, Lenglet, M. Wague, Griezmann, Jordi Alba, Aleñá, S. Roberto, F. De Jong, Vidal, Junior, Iñaki Peña, C. Pérez iyo  Ansu Fati.

2 responses to “RASMI: Barcelona Oo Shaacisay 20ka Xiddig Ee Ay Kala Hortagayaan Valencia Habeen Danbe – Messi Oo Ka Mid Ah 4 Xiddig Oo Dhaawac Ku Maqan”

  1. anso fati iyo alena ha ku so bilawo cwa

  2. Barcelona guul fiican u rajeen insha allah waxaana ka xumahay inuu kulan kan seego captanka kooxda ama garabka kooxda lkn wxn rajenayaa inuu taam u noqdo ciyaarya furitanka championka