RASMI: Barcelona Oo Ku Dhawaaqday Liiska Ciyaartoyda Ay Ku Wajahi Doonaan Celta Vigo – Yaa Ka Maqnaan Doona?

Advertisements

Tababaraha cadaadiska uu saaran yahay ee Ernesto Valverde ayaa si layaab leh safkiisa ugu soo daray Luis Suarez oo dhaawac looga shakisanaa inuu ku seegayo kulankaan, xiddiga reer Uruguay wuu kasoo kabtay dhaawacii uu qabay.

Jimcadii ayaa la ogaaday inuu taam u yahay ciyaarta, balse waxaa la fahamsan yahay inuusan kusoo bilaaban doonin ciyaarta caawa.

Jordi Alba ayaa laga tagay kadib dhaawac soo gaaray, sidoo kalana sabab gaar ah ayaa xiddiga da’da yar Carles Alena looga saaray liiska, taas badalkeeda Arthur Melo iyo Junior Firpo ayaa looga yeeray liiska.

Balaugrana waxey u baahan tahay iney caawa guul gaarto si ay cadaadiska isaga qaado, sidoo kale tababare Ernesto Valverde ayaa nafis ku dareemaya hadii wiilashiisa ay caawa guuleystaan, waana la ceyrin doonaa hadii natiijooyinkiisa ay sii xumaadaan kulamada soo aadan.

Advertisements

LIISKA OO DHAMEYSTIRAN:

Marc-Andre ter Stegen, Semedo, Gerard Pique, Ivan Rakitic, Busquets, Arthur, Suarez, Lionel Messi, Ousmane Dembele, Neto, Clement Lenglet, Moussa Wague, Antoine Griezmann, Sergi Roberto, Frenkie de Jong, Arturo Vidal, Samuel Umtiti, Junior Firpo and Ansu Fati.

Comments are closed.