RASMI: Baahinta Telefishanka Ee Kulamada FA Cup Iyo Waqtiga Ciyaarta Xiisaha Leh Manchester United vs Liverpool

Advertisements

Baahinta telefishanka ee wareegga afraad ee tartanka FA Cup ayaa la shaaciyey, waxaana ku jirta ciyaarta adag ee Manchester United ay garoonkeeda Old Trafford ku qaabbili doonto Liverpool.

Manchester United ayaa u safraysa Anfield maalinta Axadda ee toddobaadkan fooda innagu soo haya, waxaanay kula soo ciyaari doontaa Liverpool oo ay usbuucan kala wareegtay hoggaanka horyaalka, isla markaana ay saddex dhibcood ka sare martay.

Marka ay soo kala dhamaadaan labadan kooxood, waxay United lasii ciyaari doontaa Arbacada toddobaadka dambe Fulham ka hor inta aanay isku diyaarinin inay garoonkeeda kusoo dhoweyso Manchester United oo wareegga afraad ee FA Cup ay ku kala bixi doonaan.

Kulankan ayaa waxa uu qabsoomi doonaa maalinta Sabtida, xilli ay saacaddu tahay 5pm waqtiga UK oo u dhiganta 8da fiidnimo ee saacadda Geeska Afrika.

Ciyaartan waxa laga daawan doonaa BBC Sports oo qaadatay baahinteeda.

Chelsea ayaa iyaduna garoonkeeda Stamford Bridge ku qaabbili doonta Luton Town, halka ay Manchester City u tegi doonto Cheltenham Town marka ay taariikhdu tahay January 23 oo ku beegan maalin Axad ah.

Ciyaarta City ayaa soo dhici doonta 8:30PM Waqtiga Geeska Afrika, iyadoo lagu dheelayo garoonka Jonny-Rock Stadium.

Halkan kaga bogo baahinta kulamadan iyo waqtigooda :

Salaasa 19th January 2021

Southampton v Shrewsbury Town  – 20:00 -BT Sport 2

Jimce 22nd January 2021

Chorley v Wolves – 19:45 BT Sport 1

Sabti 23rd January 2021

Southampton or Shrewsbury Town v Arsenal – 12:15 BT Sport 1

AFC Bournemouth v Crawley Town – 15:00 – BT Sport Extra 2

Barnsley v Norwich City – 15:00 BT Sport Extra 5

Brighton & Hove Albion v Blackpool – 15:00 BT Sport Extra 3

Millwall v Bristol City – 15:00 – BT Sport Extra 6

Sheffield United v Plymouth Argyle – 15:00 – BBC iPlayer / BBC Sport Website

Swansea City v Nottingham Forest – 15:00 – BBC One Wales / BT Sport Extra 4

West Ham United v Doncaster Rovers – 15:00 – BBC iPlayer / BBC Sport Website

Cheltenham Town v Man City – 17:30 – BBC One / BBC iPlayer

Axad 24th January 2021

Chelsea v Luton Town – 12:00 – BBC One / BBC iPlayer

Brentford v Leicester City 14:30 – BT Sport 1

Fulham v Burnley – 14:30 – BT Sport Extra 2

Man Utd v Liverpool – 17:00 – BBC One / BBC iPlayer

Everton v Sheffield Wednesday – 20:00 – BT Sport 1

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*