RASMI: Atletico Madrid Oo Lasoo Wareegtay Xiddigii Ay Chelsea, Man United Iyo Arsenal Ku Fashilmeen Saxeexiisa

Advertisements

Kooxda kubadda cagta Atletico Madrid ayaa shaacisay lambarka uu xidhan doono saxeexeeda cusub ee Moussa Dembele oo ay kala soo wareegtya Lyon.

Weeraryahanka reer France ayay Atletico usoo iibsatay si uu u buuxiyo booskii uu banneeyey Diego Costa oo qandaraaskiisa la burburiyey bishan January kaddib markii uu isagu dalbaday sidaas.

Xili ciyaareedkan 2020/21 ayay kooxda hoggaanka haysaa doonaysaa inay horyaalka ku guuleysato lix sannadood kaddib markii ay koobkeedii ugu dambeeyey qaadday, waxaanay waddaa dibu-habayn iyo is-xoogayn ay doonayso inay kaga sarrayso Real Madrid oo koobka difaacanaysa iyo Barcelona oo xili ciyaareed niyad-jable kaddib u dagaallamaysa inay dib usoo ceshato koobkan.

Kooxdan ka dhisan caasimadda Madrid ayaa waxay gacanta ku dhigtay weeraryahanka reer France ee Moussa Dembele oo ay hore u waayeen kooxo Premier League ka ciyaara sida Chelsea, Manchester United iyo Arsenal, waxaana imaatinkiisa Wanda Metropolitano uu tayo cusub iyo cudud kusoo kordhinayaa Atletico.

Weeraryahankan oo ka garab ciyaari doona Luis Suarez ayay maanta si rasmi ah usoo bandhigtay Atletico Madrid, waxaanay shaacisay lambarka uu xidhan doono.

Dembele ayaa maanta oo khamiis ah aan qayb ka noqonin kooxda kale, waxaanu jimicsiga ku samaynayay meel ka gaar ah ciyaartoyda kale, hase yeeshee Jimcaha berri ayuu si buuxda uga mid noqon doonaa kooxda oo uu tababarkiisa ugu horreeya la qaadan doonaa.

Kulanka ugu horreeya ee uu u ciyaari karo ayaa la sheegay inuu yahay kan ay Eibar la ciyaari doonaan Khamiista usbuuca  soo socda.

Moussa Dembele ayaa waxa uu xidhan doonaa lambarkii uu banneeyey Diego Costa ee No.19.

Si kastaba, heshiiska Dembele ay kula soo wareegtay Atletico ayaa ah amaah illaa inta ka hadhay xili ciyaareedka, laakiin waxay kooxda reer Spain si rasmi ah ula wareegaysaa xagaaga, markaas oo iibkiisu uu hirgeli doono.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*