RASMI: Arsenal Oo Ku Dhawaaqday Inay Iska Dirtay Mid Ka Mid Ah Daafacyadeeda Xilli Ay Dhanka Daafaca Ka Liitaan

Advertisements

Daafaca Dinos Mavropanos ayaa ka tagay kooxda Arsenal islamarkaana amaah ugu biiray kooxda heerka labaad ee dalka Jarmalka ee Fc Nuremberg isagoo u dheeli doona inta ka harsan xilli ciyaareedka.

22 jirkaan daafaca ah ayaa sideed kulan u saftay kooxda koowaad tan iyo markii uu kaga soo biiray kooxda Gariiga ee PAS Giannina bishii Janaayo 2018.

Xiddiga Gariiga u dhashay ayaa dhawaan ka soo muuqanayay kursiga keydka isagoo ku bilowday kulankii ay barbaraha 2-2 la galeen Standard Liege ee koobka Europa League bishii December.

Dinos ayaa 11 kulan waxa uu u saftay kooxda Arsenal ee ay da’dooda ka yar tahay 23 sanno jir xilli ciyaareedkan.

Warbixin ay soo saartay Arsenal ayay ku sheegtay inay nasiib wacan u rajeyenyso daafaceeda mudada uu joogo kooxda FC Nurermber kuwaasoo saxiixa xiddigaan ka dulqaaday kooxaha Wolfsburg iyo Hannover.

Advertisements

Qaar ka mid ah jamaahiirta kooxda ayay la yaab ku noqotay in Arsenal ay amaah ku fasaxdo daafaca da’da yar xilli Calum Chambers uu dhaawac yahay halka daafacyada kale ee kooxda ay iyaguna yihiin kuwa liita.

Gunners ayaa suuqa ugu jirta daafac cusub iyadoo lala xiriiriyay daafaca kooxda Bayern Munich Jerome Boateng oo ay amaah ku doonayeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.