RASMI: Arsenal Oo Jawaab Rasmi Ah Ka Heshay Racfaankii Ay Ka Qaateen Casaankii Pierre-Emerick Aubameyang

Advertisements

Arsenal ayaa ku guuldareysatay racfaankii ay ka qaateen ganaaxa seddexda ee Pierre-Emerick Aubameyang taasoo ka dhigan in tababare Mikel Arteta uu waayi doono weeraryahankiisa seddex kulan oo muhiim ah.

Weeraryahanka reer Gabon oo 30 sanno jir ah ayaa ah xiddiga ugu goolasha badan Gunners xilli ciyaareedkan isagoo dhaliyay 16 gool tartamada oo dhan.

Laakiin casaankii uu qaatay markii uu qalad xu ku galay xiddiga Crystal Palace Crystal Palace ayaa weli taagan.

Aubameyang waxa uu haatan seegi doonaa seddex kulan oo ay ku jirto kulanka Chelsea.

Arsenal kulankooda soo socda waxay gurigooda kula ciyaarayaan Sheffield United Sabtida ka hor inta aysan u safrin Stamford Bridge Talaadada.

Kabtanka kooxda Aubameyang ayaa sidoo kale seegi doona kulanka wareega afaraad ee FA Cup ee ay la ciyaarayaan Bournemouth 27ka bishaan Janaayo.

Advertisements

“Waxaa la xaqiijiyay inuu ganaax ku maqnaan doono seddex kulan. Waa ceeb weyn, waxayna inoo tahay qasaaro weyn” ayuu yiri tababare Mikel Arteta oo saxaafada u xaqiijiyay in Arsenal ay ku guuldareysatay racfaankoodii aan rasmiga aheyn.

“Nasiibdarro waqti xun ayuu taakalka sameeyay, waxa uu gaaray go’aan waana inaan aqbalno go’aanka ganaaxa.”

Leave a Reply

Your email address will not be published.