RASMI: Abaalmarinta Xiddiga Iyo Macalinka Ugu Fiican Bisha October Oo La Bixiyay – Yaa Ku Guuleystay?

Advertisements

Frank Lampard ayaa loo dooraty macalinkii ugu fiicnaa horyaalka Premier League bishii Oktoobar ee lasoo dhaafay kadib markii uu kooxdiisa u hogaamiyay saddex guul, waxeyna garaaceen Burnley, Southampton & Newcastle United.

Laba ka mid ah guulahaas wuxuu kusoo gaaray meel ka baxsan gurigooda, sidoo kalana min afar gool ayey dhaliyeen taasoo keentay in macalinka dhawaan yimid galbeedka London loo doorto inuu ahaa kii ugu fiicnaa bishaas.

41-jirkaan ayaa abaalmarintaan ku garaacay Jurgen Klopp, Dean Smith, Branden Rodgers iyo sidoo kale Graham Potter.

“Ku guuleysiga abaalmarintaan shaqsiga ah oo kale waa marka ugu haboon oo aan uga mahad celin karo shaqaalaha ii dhaw, kuwaas oo shaqo adag qabanayay tan iyo kulamadii fasaxa, ciyaartoyda kuwaas oo ah kuwa bandhigga muujiyay” ayuu yiri Lampard.

“Waan ku faraxsanahay qof walba.

Dhinaca kale Jamie Vardy ayaa loogu codeeyay xiddigii ugu fiicnaa bisha Oktoobar kadib markii uu sare u qaaday hanaankiisa gooldhalinta.

Xiddigaan ayaa dhaliyay 4-gool, saddex kulan uu kasoo muuqday waana in ka badan Abraham iyo Aguero, sidoo kalana kooxdiisa Foxes wuxuu u sahlay iney kaalinta 3-aad ee horyaalka baaqi kusii ahaato.

Advertisements

“Waa wax aad u weyn inaan ku guuleysto abaalmarintaan, balse waxey kaliya muujineysaa shaqada ay kooxda qabatay sidoo kale” ayuu yiri Vardy.

30-jirkaan ayaa markii afaraad hantay abaalmarintaan, wuxuuna ku garaacay Grealish, Gundogan, Willian, Tielemans iyo goolhaye Dean Henderson.

Comments are closed.