Raheem Sterling Oo Sheegay Xiddig 10:30-kii Habeenimo Qolkiisa Uga Yimid Kana Baryay Inuu Hal Gool U Dhigo Kulankii England Ee Xalay – Miyuu U Sameeyay Codsigiisa?

Advertisements

Garabka kooxda Manchester City ee Raheem Sterling ayaa shaaca ka qaaday xiddig ay kawada tirsan yihiin xulka qaranka England oo goor dambe oo habeenimo ah qolkiisa ugu yimid kana baryay inuu gool u dhigo kulankii xalay ee Kosovo.

England ayaa xalay guul weyn ka gaadhay xulka yar ee Kosovo walow goolka furitaanka lagaga dhaliyay il-bidhiqsiyadii ugu horreeyay ciyaarta haddana waxa ay ku guuleysteen 5-3.

Goolashaas ayaa ahaa kuwo uu xulka lagu naanayso saddexda libaax ka kala helay Raheem Sterling iyo Harry Kane oo min hal gool dhaliyay, Jadon Sancho oo laba gool dhaliyay & gool uu xulka martida ahaa si qaldan iskaga dhaliyay.

Haddaba, Kulanka kaddib ayuu Raheem sheeko xiiso leh u sheegay saxaafada isaga oo shaaca ka qaaday in da’yarkii labada gool dhaliyay ee Sancho uu habeen hore 10:30-kii habeenimo la joogay qolkiisa oo uu gool caawimo weydiisanayay.

Advertisements

Sterlinga ayaa yidhi “Waxa uu joogay qolkayga 10:30-kii habeenimo ee habeen hore isaga oo iga baryaya inaan hal gool u dhigo, Sidaas darteed xaqiiqdii waan ku faraxsanaa inaan arko isaga oo dhalinaya, Isagu waa wiil yar oo wanaagsan”.

RIix Halkaan Si Aad U Akhriso:  Tartanka Da'yarka Mucjisada Ah Ee Haaland Oo Adkaaday & LABA Kooxood Oo Kula Soo Biiray Tartankiisa.

Nasiib wanaag Sterling ayaa iska guday codsigii da’yarkan isaga oo caawiye ka ahaa dhammaan labadii gool ee uu ka dhaliyay kulankaas.

Image

Comments are closed.