“Qofna Ma Doonayo Inuu Tartan Iskaga Baxo Laakiin Haddii Aan Kala Doorashada Leeyahay Liverpool Koobka Kooxaha Aduunka Ayaan Ka Saari Lahaa Oo EFL Cup Ayaan U Dayn Lahaa”.

Advertisements

Tababarihii hore ahna halyeeyga kooxda Liverpool ee Kenny Dalglish ayaa shaaca ka qaaday aragti yaab leh oo ku saabsan qaabka ay kooxdiisii hore u kala dooranayso tartamada EFL Cup iyo koobka kooxaha aduunka oo muran ka taagan yahay.

Liverpool ayay iskaga beegmeen wakhti ciyaareedka kulanka EFL Cup ee ay Aston Villa booqanayso iyo wakhtiga ay ka qayb qaadanayso tartanka koobka kooxaha aduunka.

Image result for dalglish"

Kaddib kulankii ay Arsenal tartanka ka saareen, Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday in kooxdiisu ay gabi ahaanba iskaga bixi karto EFL Cup-ka balse Dalglish ayaa qaba aragti ka geddisan mida Jurgen.

Waxa uu Dalglish sheegay in haddii ay tiisa ahaan lahayd uu iskaga bixi lahaa tartanka FIFA ee Club World Cup-ka ama koobka kooxaha aduunka isla markaana uu ciyaari lahaa EFL Cup.

Kenny oo aragtidaas dhiibanaya ayaa yidhi “Waa mid aad uga fog macquulnimada waxaana xilli horeba ay la dareen tahay sidiiyoo kooxda lagu ganaaxayo inay tahay mid guuleysata”.

Advertisements

“Qofna ma doonayo inuu iskaga baxo tartan laakiin haddii aan kala doorashada leeyahay waxaan seegi lahaa tartanka FIFA”.

“Waxa jira tartamo kooxaha iyo heer qaranba ah kuwaas oo markasta deg-degaya, Miyay maamulada kala duwan ee kubadda cagtu ixtiraam ku filan siinayaan ciyaartoyda iyagoo weydiisanaya inay in badan ciyaaraan 12-ka bilood ee sanadka?”.

Comments are closed.