“Qofkasta Lenglet Ayuu Dilayaa Hadda” – Xiddig Hore Oo Barcelona Ah Oo Xaqiiqo Banaanka Keenay Kaddib Qaladkii & Oohintii Lenglet Ee Axadii

Advertisements

Iyadoo eedaymaha iyo dhaleecaynta loosoo jeedinayo daafaca dhexe ee kooxda Barcelona ee Clement Lenglet ay yihiin kuwo sii badanaya, daafacii hore ee kooxdaas ee Jeremy Mathieu ayaa arka xaalad lamid ah midii isaga isla kooxda ku haysatay.

Lenglet ayaa laga duubay muuqaal isaga oo ooyaya kaddib kulankii ay kooxdiisu bar-bardhaca 1-1 ka ah la gashay Cadiz Sabtidii markaas oo uu rigoore galay xilli dambe isla markaana ay Barca 2 dhibcood oo muhiim ah lumisay.

Pin on FCBarcelona <3

Mathieu ayaa sheegay in ay isaga qabsatay sidaas oo kale kulan ay guuldarro kala soo kulmeen Juventus isla markaana uu iska og yahay in qofkasta hadda dilayo (Eedaynayo) Lenglet.

Jeremy Mathieu oo u warramaya RAC1 ayaa yidhi “Wakhti aad u xun ayaan soo qaatay sanadkaygii ugu dambeeyay ee Barcelona, waxaan dareemay in guuldarradii Turin ay qaladkayga ahayd”

“Laakiin anigu ma fahmayo sababta ay iigu eedeeyeen maadaama oo ay 11 ciyaaryahan kubadda cagta ciyaaraan, kalinimo ayaan ku dareemay qolka labiska, qofna taageero ima siin, aniga ahaan taasi maaha kubadda cagta”

“Qofkasta waxa uu dilayaa Lenglet haatan, waanan ogahay waxa ay taasi ka dhigan tahay, waa inuu isku dayaa oo uu noqdaa mid niyad wanaagsan oo uu xaalada dhinaca kale u rogaa oo uu wixiisa ugu fiican isku dayaa”

Dhinaca kale Mathieu ayaa difaacay qaab ciyaareedka hooseeya ee Antoine Greizmann waxaana uu sheegay inuu ku qasbanaa inuu ku biiro Barcelona”

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*