QIRASHO! Tababare Thomas Tuchel Oo Magacaabay Xiddiga Chesea Ee Uu Si Cadaalad Darro Ah U La Dhaqmay

Tababaraha kooxda Chelsea Thomas Tuchel ayaa qirtay inuu si cadaalad darro ah u la dhaqmay xiddiga Mareykanka Christian Pulisic.

Advertisements

Wargeyska The Sun ayaa shaaciyay in xiddiga garabka ka ciyaara uu raadinayo inuu isaga tago Stamford Bridge xagaagan ilaa iyo in boos joogta ah la siiyo mooyee.

Pulisic ayaa weli ku soo bilaabanin hal kulan oo Premier League ah tan iyo markii uu Tuchel noqday tababaraha kooxda iyadoo Tuchel uu ahaa macalinkiisii Borussia Dortmund.

Xiddigaan ku fadhiya 58da milyan ginni ayaa ciyaaray kaliya daqiiqad kulankii ay 2-0 kaga badiyeen Isniintii, isagoo sidoo kale bedelay ku soo galay lix kulan kale.

Advertisements

Kulanka kaliya ee uu ku soo bi9lowday waa kulankii FA Cup ee ay Blues 1-0 kaga badisay Barnsley bil ka hor, kulankaas xitaa waa la bedelay.

Tuchel oo siiyay Pulisic kulankiisii ugu horeysay ee Bundesliga ayaa sheegay in 22 jirkaan uu la dhibtoonayo natiijada xiriirkoodii hore.

Tababaraha Jarmalka ayaa yiri: “Xumaan kama sheegi karo Pulisic kaliya wanaag ayuu leeyahay.

“Malaha dhibaatadiisa ugu weyn ayaa ah inaan garanayo waqtigiisii Dortmund, waxaan u maleynayaa inuu ku soo bilowday kaliya kulamada koobabka maxaliga ah.

“Aniga ayaa qaadaya mas’uuliyadaas, waana cadaalad darro laakiin waxaan ogahay saameynta uu yeelan karo 20ka ama 30ka daqiiqo ee ugu danbeysa.”

Tuchel ayaa hadalkiisa raaciyay: “Wuxuu ahaa mid nasiibdarran kulamadii ugu danbeysay. Ma ahan inaan aaminsaneyn awoodiisa, kaliya wuxuu u baahan yahay inuu sabar yeesho.

“Waxaa jira nin kale oo ay tahay inaan xuso Emerson, kaasoo isna la dhibtoonaya go’aanadeyda xun xun.

“Ma ciyaaro laakiin waa nin cajiib ku ah tababarka heerkiisa ugu sareeya, marnaba kooxda hoos uma dhigo.

“Waxay aheyd go’aan aad u adag inaan ka saaro kooxda si la mid ah Tammy.

“Waxaan heysan ciyaartoy badan oo fiican. Waxay u baahan yihiin inay sii dagaalamaan. Wado kale uma furna.”

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*