Qirashadii Layaabka Lahayd Ee Zidane: “Waxaan Ka Baqayaa In Carruurtaydu Noqdaan Doqomo Yaryar”

Wariyaha Faransiiska ah ee Frederic Hermel, waxa uu waqti badan la qaatay Zinedine Zidane, waxaanu ka hayaa qisooyin badan oo noloshiisa gaarka ah, ciyaaraha iyo qoyskiisaba ku saabsan.

Hermel wuxuu la socday tallaabo kasta oo uu Zidane qaaday tan iyo markii uu Real Madrid usoo wareegay sannadkii 2001, haddana wuxuu qorayaa buug ku saabsan tababare Zinedine Zidane.

Buuggan waxa ku jira sheekooyin layaab leh oo aanay cidina ka ogeyn nolosha Zidane, gaar ahaan kuwa qoyskiisa iyo nolosha ka baxsan garoomada.

Qayb ka mid buuggan, waxa uu wariye Hermel kusoo gudbiyey sheekooyin uu Zidane uga warramay oo dunida kalena layaab ku ridaya, taas oo dhacday xilli ay diyaarad wada raaceen iyadoo uu wehelinayo halyeygii hore ee Real Madrid ee geeriyooday ee Di Stefano.

Zidane waxa uu u caddeeyey wariyaha arrinta kaliya ee cabsida ku haysa noloshiisa, waana sida ay noqon doonaan ubadkiisu.

“Hal qiso ayuu ii sheegay mar aan la soconay diyaarad iyadoo uu na wehelinayey Alfredo Di Stefano iyo Zidane, waxayna ahayd kaddib munaasibaddii Ballon d’or. Zidane wuu iga yaabiyey. Waxa aanu ka wada hadalnay nolosha, waxaanu igu yidhi: ‘waxaan qabaa hal cabsi ah… in carruurtaydu ay noqdaan doqomo yaryar’.” Ayuu Hermel ku qoray qayb ka mid ah buuggiisa.

Maadaama uu Zidane ahaa ciyaartoy caan ah iyo tababare uu markii dambe isku beddelay, noloshiisana uu ku qaatay sumcad badan iyo magac weyn, haddana marna fursad uma waayin ubadkiisa, waxaanu ugu tegi jiray iskuullada sida aabbeyaasha kale.

“Wuxuu tagaa galabaha waalidiinta ee iskuulka sida aabbeyaasha caadiga ah.” Ayaa buugga lagu sheegay.

Hermel waxa uu buuggiisa ku sheegay in Zidane uu noqon doono tababare ka guulo iyo magac badan markii uu ciyaartoyga ahaa, waxaanu yidhi: “Aragtiyaha buugga waxa ku jira, in Zidane uu noqon doono tababare ka wanaagsan sidii uu ciyaartoyga ku ahaa.

“Waqti ayuu haystaa. Wuxuu ku guuleystay 10 koob afar sannadood gudahood, walina waa 48 jir kaliya, walina wuu horumarayaa.”

Shaqada Real Madrid kaddib, Zidane wuxuu tegi doonaa waddanka Faransiiska oo uu macallin u noqon doono xulka qarankiisa, sida buugga lagu sheegay. Sidoo kale, waxa uu taageere weyn u yahay kooxda Marseille ee ka dhisan waddanka Faransiiska, laakiin naadiga lacagta badan haysta ee PSG ayaan marnaba qorshaha ugu jirin inuu shaqo ka qabto.

Buuggan waxa kale oo lagu sheegay in Zidane uu xiisaynayo inuu ka shaqeeyo kooxaha taariikhda leh sida Juventus ama Bayern Munich, laakiin ay ka xidhan tahay PSG.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*