RASMI: Qiimeynta Rasmiga Ah Ee Kooxaha Ee UEFA Oo Soo Baxday – Waa Maxay Sababta Liverpool Ay U Gashay Kaalinta 8aad Iyagoo Heysta Champions League?

Advertisements

In ka yar isbuuc ayaa ka harsan inuu bilowdo wareega group-yada ee xilli ciyaareedka cusub ee Champions League, Liverpool ayaa ah kooxda difaacaneysa koobka sannadkan.

Kooxda Jurgen Klopp ayaa finalkii waxa ay 2-0 ku garaaceen kooxda kale ee Ingariiska ee Tottenham iyagoo qaaday koobkoodii lixaad ee Koobka Kooxaha Horyaalada Yurub.

Sidaasi darteed, madaama ay yihiin kooxda heysata koobka ugu weyn kooxaha Yurub waxay taasi ka dhigeysaa inay yhiin kooxda ugu fiican Yurub, miyaysan aheyn? Hadaba ma ahan sida lagu sheegay qiimeynta rasmiga ah ee kooxaha ee UEFA.

UEFA waxa ay baahisay liiska qiimeynteedii ugu danbeysay ee kooxaha Yurub, waxaana Liverpool ay ka soo muuqatay kaalinta sideedaad.

8aad! ka dib markii ay ku guuleysteen Champions League!

Ka hor inta aysan xanaaqin taageerayaasha Reds, waxaa muhim ah inaad ogaataan in qiimeynta kooxaha ee UEFA inay ku saleysan tahay shantii sannadood ee ugu danbeysay ee tartamada Yurub.

Liverpool waxay ku guuldareysatay inay u soo baxdo tartamada Yurub xilli ciyaareedkii 2016/17 ka dib markii ay kaalinta sideedaad ay ku dhameysteen horyaalka sannadkii ka horeeyay, taasoo la micno ah inaysan wax qiimeyn ah ku heleynin xilli ciyaareedkaas.

Advertisements

Halkaan ka eeg 40ka kooxood ee ugu qiimeyn sareeya kooxaha Yurub ee UEFA ay soo saartay iyadoo Real Madrid ay weli ku jirto kaalinta koowaad madaama shantii sannadood ee ugu danbeysay ay seddex Champions League oo isku xiga ku guuleysteen.

RIix Halkaan Si Aad U Akhriso:  Oxlade-Chamberlain Oo Ku Soo Biiray Dooda Ku Saabsan In Mohamed Salah Uu Kubada Baasin & Fariin Uu U Diray Xiddiga Reer Masar

Waxaa kaalinta labaad ku jirtay Atletico Madrid oo aan shantii sannadood ee ugu danbeysay ka baaqanin u soo bixitaanka Champions League islamarkaana labo jeer gaartay finalka. Iyadoo Barcelona ay ku jiro kaalinta 3aad, Bayern Munich afaraad halka Juventus ay shanaad soo ciriirsatay.

Comments are closed.