Qiimeynta Ciyaartoyda Kulankii Ay Man United Guusha Ka Gaartay Brighton & Hove Albion – Ya Noqday Xiddiga Garoonka? Yaase Ugu Liitay?

Advertisements

Man United ayaa kulan xiisahiisa wata guul kaga gaartay Brighton & Hove Albion iyadoo la joogo Old Traffford, natiijadaan waxey ka saaciday iney kaalinta 7-aad soo tiigsato iyadoo farqiga goolasha kaga sarreysa Bournemouth iyo Wolves.

Rashford ayaa noqday xiddiga guusha u xaqiijiyay Red Devils xilli hore, 3-1 ayuuna ka dhigay kulanka oo aad la isugu dhawaaday, xiddiga reer England wuxuu muujinayaa sida uu muhiim ugu yahay shaxda Ole Gunnar.

Si kastaba Red Devils oo kasoo kabatay guuldaradii todobaadkii hore kasoo gaartay Bournemouth ayaa haatan isha ku heysa iney tartan u gasho afarta sare, 12-kulan oo ay ciyaareen waxey heleen 16-dhibcood.

YAA NOQDAY XIDDIGA GAROONKA?

Marcus Rashford ayaa noqday xiddiga helay dhibcaha ugu badan ee loo caleema saaray inuu ahaa kii ugu fiicnaa kulankii soo dhamaaday, Wan-Bissaka ayaa helay dhibco la mid ah balse xiddigaan waxaa lagu qiimeeyay inuu dhaliyay goolka guusha xaqiijiyay.

YAA NOQDAY KAN UGU LIITA?

Advertisements

Ciyaartoyda Brighton badankood waxey heleen qiimeyn (5) ah taasoo ah midda ugu liidata, halka xiddiga goolka iska dhaliyay Davy Propper uu helay (6) maadaama uu shaqo fiican qabtay.

QIIMEYNTA CIYAARTOYDA LABADA KOOXOOD:

Man Utd: De Gea (7), Wan-Bissaka (9), Lindelof (7), Maguire (7), Williams (7), McTominay (7), Fred (7), James (8), Pereira (7), Rashford (9), Martial (7).

Badalka: Lingard (7), Greenwood (lama qiimeyn), Rojo (lama qiimeyn)

Brighton: Ryan (6), Montoya (6), Duffy (6), Dunk (6), Burn (5), Trossard (6), Propper (6), Stephens (5), Alzate (6), Maupay (5), Connolly (6)

Subs: Murray (5), March (5), Gross (5)

Man of the match: Marcus Rashford

Comments are closed.