Qiimeynta Ciyaartoyda Kulankii Ay Liverpool Gurigeeda Ku Dubatay Man City – Yaa Noqday Xiddiga Garoonka? Yaase Ugu Xumaa?

Advertisements

Liverpol ayaa gaartay guul weyn oo ka caawisay iney 8- dhibcood oo nadiif ah ku qabato hogaanka horyaalka Premier League, sidoo kalana waxey ilaashadeen rikoorkooda guuldaro la’aanta iyagoo iska reebay kooxda la fahamsan yahay iney kula tartameyso horyaalka.

Goolal ka kala yimid Fabinho, Salah & Mane ayaa ka saaciday Reds iney 3-1 ku qaarijiso kooxda uu hogaamiyo Pep Guardiola kuwaas oo goolka calanka ka helay Bernardo Silva.

Natiijadaan kooxda muwaadiniinta waxey dhaxalsiisay iney kaalinta 4-aad ee horyaalka galaan, walina waxey sugayaan iney ku badiyaan Anfield tan iyo 2003.

Haddaba kulankii ka dhacay garoonka Anfield waxaa laga sameeyay qiimeyn ku aadan bandhiggii ay xiddigaha sameeyaan, Hillinka Sky Sports ayaana kasoo xiganay.

YAA NOQDAY XIDDIGA GAROONKA?

Fabinho ayaa noqday xiddiga helay qiimeynta ugu fiican ciyaarta, xiddigaan wuxuu dhaliyay goolka furitaanka kooxdiisa, dhamaan ciyaartoyda Reds ayaa helay qiimeyn ka badan kuwa City, ma jiro xiddig ka tirsan Citizens oo helay 7-dhibcood.

YAA UGU LIITAY CIYAARTA?

Advertisements

Kulanka waxaa ugu liitay John Stones kaas oo helay qiimeyn xitaa ka liidata Claudio Bravo, xiddiga reer England waxaa la siiyay (4-dhibcood).

QIIMEYNTA CIYAARTOYDA LABADA KOOXOOD?

Liverpool: Alisson (8), Alexander-Arnold (8), Van Dijk (8), Lovren (7), Robertson (8), Fabinho (9), Wijnaldum (7), Henderson (8), Salah (8), Firmino (7), Mane (8).

Badalka: Milner (6), Oxlade-Chamberlain (lama qiimeyn), Keita (lama qiimeyn).

Man City: Bravo (5), Walker (5), Stones (4), Fernandinho (5), Angelino (5), Rodri (5), Gundogan (5), Sterling (6), Bernardo Silva (6), De Bruyne (6), Aguero (5).

Badalka: Jesus (6).

One response to “Qiimeynta Ciyaartoyda Kulankii Ay Liverpool Gurigeeda Ku Dubatay Man City – Yaa Noqday Xiddiga Garoonka? Yaase Ugu Xumaa?”