Qiimeynta Ciyaartoyda Kulankii Ay Chelsea Garaacday Crystal Palace – Yaa Noqday Xiddiga Garoonka? Yaase Ugu Liitay?

Advertisements

Chelsea ayaa gaartay guul muhiim ah galabta kadib markii ay 2-0 ku dileen Crystal Palace kulan ka dhacay garoonka Stamford Bridge.

Lampard ayaa helay guushii lixaad oo xiriri ah, waana markii ugu horreysay oo ay sidaas sameyso tan iyo 2016/2017 markaas oo ay horyaalka hanteen, waxeyna haatan fadhiyaan kaalinta labaad ee horyaalka.

Tammy Abraham ayaa dhaliyay goolkiisii 10-aad ee horyaalka kadib markii uu daqiiqadii 52-aad shabaqa taabtay, waxaana guusha xaqiijiyay Pulisic oo dhaliyay goolkiisii shanaad kadib saddex kulan uu kusoo bilowday.

XIDDIGA GAROONKA?

CAPTAIN AMERICA – Christian Pulisic ayaa noqday xiddigii ugu fiicnaa garoonka marka laga hadlo qiimeynta uu sameeyay hilinka Sky Sports, xiddigan si fiican ayuu kulanka ula falgalay, inkastoo ay 8 dhibcood isla heleen Willian hadana isaga wuxuu dheer yahay inuu gool dhaliyay.

YAA UGU LIITAY?

Advertisements

Xiddiga badalka kusoo galay Schlupp ayaa helay qiimeynta ugu liidata (5), sidoo kalana inta ugu badan ciyaartoyda kooxda Palace waxey heleen qiimeyn (6) ah.

QIIMEYNTA CIYAARTOYDA LABADA KOOXOOD?

Chelsea: Kepa (6), James (7), Tomori (7), Zouma (7), Emerson (7), Kante (7), Kovacic (7), Mount (7), Willian (8), Pulisic (8), Abraham (7).

Badalka: Batshuayi (6), Gilmour (lama qiimeyn), Hudson-Odoi (lama qiimeyn).

Crystal Palace: Guaita (6), Ward (6), Tomkins (6), Cahill (6), Van Aanholt (6), McArthur (6), Kouyate (6), Milivojevic (6), Townsend (6), Zaha (6), Ayew (6).

Badalka: Kelly (6), Schlupp (5), McCarthy (lama qiimeyn).

Comments are closed.