Qiimeynta Ciyaartoyda Ee Kulankii Liverpool & Everton – Laacib Baas Ku Qabsanaya Premier League Oo Noqday Xiddiga Garoonka

Advertisements

Everton iyo Liverpool ayaa dhibcaha ku qeybsaday kulan faraha looga gubtay oo ka dhacay Goodison Park iyadoo ciyaarta ay ku dhamaatay barbaro 2-2 ah xilli VAR ay gaartay go’aamo muran dhaliyay oo ka careysiiyay kooxda difaacaneysa horyaalka ee Reds.

VAR ayaa ku guuldareysatay qeybtii hore ee ciyaarta inay kaarka cas u taagto goolhaye Jordan Pickford oo qalad xun ku galay Virgil van Dijk kaasoo dhaawac ku baxay, halka ay sidoo kale offside muran dhaliyay ku diideen gool guusha u sahli lahaa Reds uu waqtigii dhimashada ciyaarta dhaliyay Jordan Henderson.

XIDDIGA GAROONKA: Thiago

Kulankiisii ugu horeysay ee uu ku soo bilowdo horyaalka Premier League ayuu wacdarro ka dhigay xiddiga reer Spain isagoo baas ku qabsaday ciyaarta. Ma jirin cid xitaa u soo dhawaatay tirada baasaska ee uu Thiago ku sameeyay garoonka Goodison Park, laakiin waxa uu sidoo kale qeyb weyn ka qaatay weerarka kooxda Reds oo uu si weyn u caawinayay. Waxaa isna xusid mudan Sadio Mane oo wacdarro dhigay kulankaan isagoo dhaliyay gool islamarkaana halis joogta ah ku ahaa Everton intii ay ciyaarta socotay oo dhan.

Advertisements

XIDDIGII UGU LIITAY CIYAARTA

Richarlison ayaa ku dhawaaday inuu kooxdiisa guuldarro u horseedo markii uu qalad laga maarmay oo halis ahaa ku galay Thiago Alcantara oo uu casaan ku qaatay daqiiqadii 88aad. Wuxuu dadaalkii Everton ka dhigi gaaray hal bacaad lagu lisay, isaga ayaana helay qiimeynta ugu hooseysa ciyaartoydii garoonka soo gashay maanta.

QIIMEYNTA CIYAARTOYDA

Everton: Pickford 7, Digne 7, Coleman 6, Keane 7, Mina 6, Allan 8, Doucoure 6, Gomes 6, Rodriguez 8, Richarlison 4, Calvert-Lewin 7.

Bedel: Sigurdsson 6, Iwobi 6, Godfrey 7.

Liverpool: Adrian 6, Alexander-Arnold 6, Robertson 8, Matip 6, Van Dijk 6, Fabinho 6, Thiago 8, Henderson 7, Mane 8, Salah 7, Firmino 7.

Bedel: Wijnaldum 6, Gomez 6, Jota 6.

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

1 Fekrad

  1. Yaaaab caawa VAR miyaad ku naxsan tihii 😄😄😄😄 niman yahow dulqaata wali waxbaa idin dhiman e VAR VAR VAR VAR VAR VAR VAR VAR

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*