Qiimeynta 50ka Kooxood Ee Ugu Fiican Dunida Kubada Cagta Oo La Soo Saaray – Man United Oo 46 Gashay – Waa Tuma Kooxda Kaalinta 1aad?

Advertisements

Kooxda dhibtooneysa ee Manchester United ayaa haatan lagu qiimeeyay kaalinta 46aad taasoo ceeb ku ah yadoo la soo saaray 50ka kooxood ee ugu sareeya caalamka.

Kooxda Old Trafford ka dhisan ayaa ku bilaabatay xilli ciyaareedka sidii ugu xumeyd muddo 30 sannadood ah, waxaana ay taasi keentay inay si weyn hoos ugu dhacaan dhanka qiimeynta kooxaha.

Waxay kaalinta 12aad uga jiraan Premier League, waxayna dhanka qiimeynta kooxaha dunida ka hoos mareen kooxaha Al Hilal iyo Guangzhou Evergrande.

Kooxo badan oo ka dhisan Mexico, Brazil, Argentina, South Korea, China, Japan, Russia, Colombia, Portugal, Egypt ayaa dhamaantood ka sareeya kooxda Manchester United.

Qiimeynta waxaa sameysay Football World Rankings kuwaasoo qiimeeyay 50ka kooxood ee loogu yeeri karo kuwa ugu fiican dunida.

Shirkadaan waxa ay qiimeyntooda ku saleeyeen guulaha sannadkii la soo dhaafay oo dhan oo ay dhibco u bedeleen.

Advertisements

Football World Rankings waxay sheegeen in kulan walba uusan isku qiimo aheyn halka xiriir walba uu isna isku qiimo aheyn si loo hubiyo inay qiimeynta sax tahay.

Tusaale ahaa kulan u dhaxeeya Chelsea iyo West Ham ku qiimo ma ahan Chelsea iyo Arsenal, si la mid kulan UEFA ah ah ku qiimo ma ahan mid CAF ah.

50ka Xul Ee Ugu Sareeya Caalamka:

1. Barcelona (Spain)

2. LIVERPOOL (England)

3. River Plate (Argentina)

4. MAN CITY (England)

5. Valencia (Spain)

6. Real Madrid (Spain)

7. Boca Juniors (Argentina)

8. Athletico Paranaense (Brazil)

9. Palmeiras (Brazil)

10. CHELSEA (England)

11. ARSENAL (England)

12. Atletico Madrid (Spain)

13. Bayern Munich (Germany)

14. Al Hilal (Saudi Arabia)

15. Sevilla (Spain)

16. Tigres (Mexico)

17. Gremio (Brazil)

18. Monterrey (Mexico)

19. Juventus (Italy)

20. Ajax (Holland)

21. Flamengo (Brazil)

22. Eintracht Frankfurt (Germany)

23. TOTTENHAM (England)

24. Napoli (Italy)

25. PSG (France)

26. Porto (Portugal)

27. Guangzhou Evergrande (China)

28. Shanghai SIPG (China)

29. Internacional (Brazil)

30. Kashima Antlers (Japan)

31. Ulsan (South Korea)

32. Al Nassr (Saudi Arabia)

33. Getafe (Spain)

34. Atletico Mineiro (Brazil)

35. Villarreal (Spain)

36. Joenbuk Motors (South Korea)

37. Inter Milan (Italy)

38. Santos Laguna (Mexico)

39. Al Ahly (Egypt)

40. Junior (Colombia)

41. Benfica (Portugal)

42. Roma (Italy)

43. Club America (Mexico)

44. RB Leipzig (Germany)

45. Lokomotiv Moscow (Russia)

46. MAN UTD (England)

47. Atalanta (Italy)

48. Real Betis (Spain)

49. Espanyol (Spain)

50. Lazio (Italy)

Sidee u aragtaa qiimeyntaan? Miyay Barcelona u qalantaa kaalinta koowaad? Miyaa Man United la eexday madaama kaalin hoose la geliyay? Fekerkaaga nala wadaag.

20 responses to “Qiimeynta 50ka Kooxood Ee Ugu Fiican Dunida Kubada Cagta Oo La Soo Saaray – Man United Oo 46 Gashay – Waa Tuma Kooxda Kaalinta 1aad?”

  1. Fashil net webka aaan wax aqoona iyo khibrad uu leyey aanan la aqoon dadka hawl wadeenadiisa ah united waaa koxda ugu guulaha badan premer laegu leverpol wali may arag intii magacan lo bixiyey koobkan 30 sano sidee cadaaalad u tahay xagay joogen city iyo leverpol 13 horyaaal ayey qaaday intii magacan loo bixiyey koobkan mida kale city 4 horyaal ayey taariikhdeeda dhan haysaaa markaaa hala xishoodo webkan hada kubada baranaaaya waxad doontan ayaaad iska qortaaan taagero ayaad tihiin sidasina maha suxufi.nimo

    • liverpool baa kalinta koowaad u qalanta man utd kaalinta 50 xataa uma qalanto

    • Rooble waad ku mahadsan tahay fekerkaaga laakiin qiimeynta laacib.net ma sameynin waxaa sameysay Football World Rankings dhowr jeer ayaan ku xusnay warbixinta haddii aad akhrisay, waan soo dhaweyneynaa fekerkaaga mar walba.

    • Waxaa iskagakiin qaldan qiimeynta xogta ay ku saleysantahay aniga waxaan ahay taageere united ah lkn qiimeynta waxaa lagu saleeyay sanadkaan hadaanan qaldaneyn ee lagama hadlaayo koobab ayaan qaadnay iyo waayaan ahaan jirnay run ahaantii xetaa united uma qalanto 50 waayo maarkaa fiiriso ciyaartoyda joogto say u daalan yihiin iyo say u liitaan waxaa ka darajo sareyso naadi yaasha yar yarka ah sida wolves iyo waad mahadsantihiin laacibnet page kiina waa page inaba caadi aheyn waana daalacdaa xogta aad soo qortaan

    • markii geel loo heeso ayey goroyo u heestaa. qiimayntu waa sanadkii ugu dambeyey ee ma aha geelbaan lahaan jiray

    • Looxoow warbixinta si fiican u akhri intaanad iska ciyin sidii neef xoolo ah. Qiimayntu waxay Ku salaysantay guulihii sanadkii lasoo dhaafay ay kooxu gaadheen.

  2. Mohamed duale says:

    Waxay aheyd in kaalinta Hore. Ay Liverpool gasho sababtoo ah waxay samemeeyeen waxay aheyd ineey sameeyan w

  3. boqortooyada ayaa koowaad u qalantay

  4. m.s.c. dhereye says:

    magacaygu waaa sida kor ku xusan waxaan ku noolahay caasimada g/togdheer ee burco horta qiimayn marka laga hadlayo waa in cadaalad loo sameeyo laakiin man united looma eegin cadaalad waayo horyaalka ingiriiska waa kooxda koobaad ee ugu koobabka badan uguna badinta badan koox ka badin badani kama ciyaarto ingiriiska hadana halka lagu qiimeeyay uma qalanto horta hada qaab ciyaareed liita way ka timid sanadkan laakiin sidan ma ahaan doonto mudo dhaw macalin solsjeer na waxaa odhan lahaa waxa uu soo dhisayaa koo dhalin yaro u badan ee jaanis ha la siiyo. by dhereye.com

  5. Hassannur Abdirahman says:

    Waa sax lkn kooxahan laatin & iyo far east kadheela kuwa badan oo yurub kadheela ayaa kahoreeya lkn waa laga dambeysiiyey mida kale Barcelona & iyo man utd wey uqalmaan kaalmahay kala galeen

    • Mo dhigaal says:

      Liverpool Kaalinta 1 aad ayeey u qalantaa maxa yeelay waaa kooxda kaliyee aduunka uku awooda badan kubada cagta

  6. batalaale inuu sidaa u madhan yahy ma moodayn
    wxn kala garan la ahay in catalonia laydnka biiliyo iyo in kale
    messi wlaasha sii
    zidee naadi la liga moye wax kale qaadin uga hormari karaa naadi 4 ucl qaaday 5 sano ee ugu dmbaysy

  7. Mohamed Xadari says:

    Dadkan Real & United lasoo tagan wxn leyahay adeer abahy ayaa gelahan jiray hadan dameer leyahay dhanta ha iloobin in barka tahay kooxda ka cup badan labadaba finesh

  8. waxan la yabanahay sawabta barcelona kalinta koowaad loo siiye, liverpool ayaa ka midan, mida kale man united waxa kaalinta ugu hoseysa lo geeye hoos u dhaca ku yimid dhawanahan, chalsea maxaa 5ta ugu horeso loso gelin waaye ileen lampard hormar weyn ayuu ka wabtay, real madrid oon weli hoganka laliga haysa ayey gadal geyen barca oo kalinta labad kujirta ayey kow geyen, bayernmunich gadal ayey geyen, kuwa kalo qaab daran na hore ayey leneen…..
    sidey ila tahay garaweeshan ayaa jira….

  9. Ayatullah says:

    man united xataa uma qalanto inay ka mid noqoto 100 kooxod ee dunida ugu wanaagsan

  10. xuseen guunje says:

    kaalinta 1aad liverpool baa iska leh man united 50 ka ugu fiican baad jeedaaye 100 ka ugu fiican uma qalanto qashin weeyaan midda kale waxaas baan ahaan jirey laguma qiimayn ciyaalkan buuqaya ayaan la hadlayaa

  11. Abdisamad says:

    Boqortooyada Markaste number one ahh hhhhhhhh Hala Madrid

  12. Amiin carab says:

    Way u qalanta inay Barcelona kalinta kobaad gasho man united na kalinta 66nad ayaay u qalantay inay gsho viva Barcelona

  13. Mubaarig abdinaasir says:

    Waxaan joogaa magaalada hargaysa. Shaqaalaha shabakada aad baan ugu mahadcelinayaa sida fiican ee ay akhbaaraadka noogu soo gudbiyaan.
    Dadkan Manchester kaalintiida Ka cabaadaya warbixinta si fiican haw akhriyaan, qiimaynta waxa lagu saleeyay Kali guulihii sanadkii dhamaaday. Xagay man joogtay waa tii balanbalaysaye.

  14. Wan u mahad ceelinaya qiimeeynta football world Barcelona kali kaaliinta 1kobad weey u qalanta ninkii iska hadlayaba ahay iskaa hadlee hadal haamo lagama buuxsho waxan arkaa Marka Ay tahay inay aay barca 50 49 koxod ugu fiicantey

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

*