Qiimayntii U Dambaysay Ee Abaal-marinta Ballon d’Or Oo Lasoo Saaray – Cristiano Oo Ka Sarreeya Messi & 20 Ciyaartoy Ee Ugu Horreeya

Abaal-marinta xiddiga sannadka ee Ballon d’Or ayaa xili ciyaareedkan tartankeeda ku jiraan laacibiin si adag usoo shaqeeyey oo doonaya inay ka ritaan Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi oo muddo dheer iska soo bed-beddelayay, isla markaana hal sano oo kaliya uu Luka Modric kasoo dhex-galay muddo 12 sannadood ah.

Qiimayntii ugu dambaysay ee soo baxday ayaa waxay muujinaysaa in Ronaldo iyo Messi aanu midkoodna kaalinta koowaad kaga jirin tartanka sannadkan, waxaana hoggaanka haya weeraryahanka Bayern Munich iyo xulka qaranka Poland ee Robert Lewandoski.

Laacibkan oo 31 kulan oo Bundesliga ah u saftay kooxdiisa ayaa dhaliyey 34 gool, waxaanu kooxdiisa ku hoggaamiyey horyaalka iyadoo Champions League iyo koobka labaad ee Germany laga ciyaaro ay kooxdiisu fursad u haysato inay gacanta ku dhigto oo ay saddexlayda koobabka ahba sannadkan ku wad guuleysato.

Cristiano Ronaldo ayaa qiimayntan u dambaysay kaalinta labaad kaga jira, waxaana kaalinta saddexaad soo galay kubbad-sameeyaha Manchester City ee Kevin de Bruyne oo kasoo hormaray Lionel Messi oo afraad ku jira, abaal-marintanna sannadkii hore markiisii lixaad ku guuleystay.

Ruug-caddaaga Bayern Munich ee Thomas Muller ayaa kusii xiga Messi oo shanaad ah, halka uu Karim Benzema oo doorkii hoggaamineed ee Real Madrid qabsaday kaddib  bixitaankii Cristiano uu lixaad kaga jiro liiska.

Neymar Jr, Erling Braut Haaland, Kylian Mbappe iyo Jadon Sancho ayaa dhamaystiray tobanka boos ee ugu sarreeya qiimaynta ciyaartoyda ku tartami doona abaal-marinta Ballon d’Or.

Halkan kaga bogo qiimaynta 20ka ciyaartoy ee ugu sarreeya, kooxahooda iyo dalalka ay u dhasheen:

20. Ciro Immobile (Lazio & Italy)

19. Josip Ilicic (Atalanta & Slovenia)

18. Timo Werner (RB Leipzig & Germany)

17. Alphonso Davies (Bayern Munich & Canada)

16. Trent Alexander-Arnold (Liverpool & England)

15. Serge Gnabry (Bayern Munich & Germany)

14. Bruno Fernandes (Manchester United & Portugal)

13. Sadio Mane (Liverpool & Senegal)

12. Jordan Henderson (Liverpool & England)

11. Kai Havertz (Bayer Leverkusen & Germany)

10. Jadon Sancho (Borussia Dortmund & England)

9. Kylian Mbappe (Paris Saint-Germain & France)

8. Erling Haaland (Borussia Dortmund & Norway)

7. Neymar (Paris Saint-Germain & Brazil)

6. Karim Benzema (Real Madrid & France)

5. Thomas Muller (Bayern Munich & Germany)

4. Lionel Messi (Barcelona & Argentina)

3. Kevin De Bruyne (Manchester City & Belgium)

2. Cristiano Ronaldo (Juventus & Portugal)

1. Robert Lewandowski (Bayern Munich & Poland)

 

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

1 Fekrad

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*