QIIMAYN: Man United, Arsenal, Tottenham mise AC Milan – Kooxaha Ugu Cadcad Inay Ku Guuleystaan Tartanka Europa League Oo La Sh

Isku-aadka wareegga 16ka tartanka Europa League ayaa la shaaciyey gellinkii dambe ee Jimcihii shalay, waxaana isku hagaagay laba kooxood oo waaweyn oo ay midkood daaqadda ka bixi doonto.

Advertisements

Manchester United ayaa ku dhacday AC Milan oo ay wareeggan ku kala hadhi doonaan, halka Arsenal ay mar kale foodda is dari doonaan Olympiacos oo ahayd kooxdii xilli ciyaareedkii hore ka reebtay tartanka iyagoo maraya wareegga 32ka.

Advertisements

Gunners ayaa isku dayi doonta inay ka aargoosato kooxda reer Giriig oo ciyaar waqti dheeraad ah lagu daray iyadoo 119 daqiiqadood maraysa uu Youssef El-Arabi u dhaliyey goolkii reebay Arsenal.

Tottenham ayaa iyadana ay isku dhaceen Dinamo Zabreb oo reer Croatia ah, halka Rangers ay is haleeli doonaan Sparta Prague oo ahayd naadigii tartankan ka reebay Leicester City.

Haddaba, kooxdee ayaa ugu cadcad inay ku guuleysato tartanka?

FiveThirtyEight ayaa qiimayn ku samaysay kooxaha, waxaanay tiro boqollay ah kusoo bandhigtay tirada ay kooxahani ugu guuleysan karayaan tartanka Europa League.

Manchester United ayaa kaalinta koowaad ka gashay kooxaha ugu cadcad ee ku guuleysan doona tartankan, iyadoo heshay dhibcaha boqollayda ee ugu badan, taas oo ka dhigan in ay wareegga 16ka ku garaaci doonto AC Milan, kaddibna ay sugi doonto naadiyada nasiibku ku beego marxaladaha xiga, illaa finalka ay gaadhaan.

Halka Manchester United ay ka tahay kooxda ugu cadcad, naadiga Molde ayaa taas beddelkeeda ah oo kaalinta ugu hoosaysa kaga jira qiimayntan, iyadoo fursadda ay haysato ay xataa ka hoosayso hal.

Halkan kaga bogo qiimaynta kooxaha ugu cadcad hanashada Europa League:

16. Molde – <1%

15. Dynamo Kiev – 1%

14. Granada – 2%

13. Dinamo Zagreb – 2%

12. Young Boys – 3%

11. Slavia Prague – 3%

10. AC Milan – 3%

9. Rangers – 3%

8. Olympiacos – 4%

7. Shakhtar – 4%

6. Tottenham – 8%

5. Roma – 10%

4. Ajax – 10%

3. Villarreal – 10%

2. Arsenal – 12%

1. Manchester United – 24%

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*