QIIMAYN: Jamaahiirta Kubadda Cagta Oo Qiimayn Laga Qaaday Ku Caddeeyay Kooxda Ay Guusha Ugu Badan Uga Rajeeyaan Champions League – Kooxdee Booska 1-aad Gashay?

Advertisements

Tartanka UEFA Champions League ayaa markale soo qaatay toddobaad cajiib ah oo ay natiijooyin xiiso badani kasoo baxeen, Jamaahiirta ayaa kusoo raaxaystay kulamo badan oo uu kamid yahay midkii ay Borussia guusha soo laabashada ah ee 3-2 ah ka gaadhay Inter Milan.

Si lamid ah kulankii Real Madrid ay 6-0 kusoo xasuuqday Galatasaraay iyo waliba kulankii ugu waalida badnaa toddobaadkan ee dhex maray Chelsea iyo Ajax oo 4-4 kusoo dhammaaday walow Blues mar 4-1 lagu hoggaaminayay.

Haddaba, Waxaanu halkan idiinku muujin doonaa qiimayn uu TransferMarkt ku sameeyay sida ay taageerayaasha kubadda cagtu kooxaha guulaha ula kala jecel yihiin ee ay u xiiseeyaan.

Advertisements

Qaabka TransferMarkt ayaa ah mid u shaqeeya si nasiib ah oo aan laba kooxood toos tartan loo dhex dhigayn balse kulamada 32 kooxood dhex maraya dadka la weydiinayo kooxdee ayaad jeclaan lahayd inay guuleysato kulanka isla markaana halkaa laga dhex ogaanayo kooxday jamaahiirtu guusha ugu badan u rajeeyaan.

Kaddib dhawr toddobaad oo qiimayntu socotay iyo kumanaan codad ah oo la ururiyay, Sida ay kooxahani jacaylka jamaahiirta u kala haystaan ayaa caddaatay waxaanad halkan hoose ka arki kartaa boqoleyda ay koox kastaa heshay ee ay jamaahiirtu guulo u rajeeyeen.

32. Red Star Belgrade – 31%

31. Galatasaray – 33%

30. Lokomotiv Moscow – 34%

29. Genk – 35%

28. RB Leipzig – 35%

27. Dinamo Zagreb – 37%

26. Zenit St. Petersburg – 39%

25. Club Brugge – 39%

24. Manchester City – 40%

23. Olympiacos – 40%

22. Shakhtar Donetsk – 41%

21. Lille – 44%

20. Slavia Prague – 45%

19. Chelsea – 45%

18. Red Bull Salzburg – 46%

17. Real Madrid – 48%

16. Bayern Munich – 49%

15. Paris Saint-Germain – 49%

14. Atalanta – 49%

13. Benfica – 51%

12. Inter Milan – 52%

11. Tottenham Hotspur – 53%

10. Bayer Leverkusen – 54%

9. Napoli – 54%

8. Valencia – 54%

7. Lyon – 56%

6. Atletico Madrid – 57%

5. Barcelona – 58%

4. Juventus – 59%

3. Ajax – 64%

2. Borussia Dortmund – 64%

1. Liverpool – 66%

4 responses to “QIIMAYN: Jamaahiirta Kubadda Cagta Oo Qiimayn Laga Qaaday Ku Caddeeyay Kooxda Ay Guusha Ugu Badan Uga Rajeeyaan Champions League – Kooxdee Booska 1-aad Gashay?”

  1. New Team Taamkan ayaa leeyahay aniga Wuxuu noqon karaa Teamkaa Chelsea si xoowli usocodo Manataageeri aniga Chelsea