QIIMAYN: Fursada Hanashada Champions League Ee Kooxaha Iskugu Soo Hadhay Oo La Qiimeeyay, Kaalinta Real Madrid Oo Yaab Leh & Kooxda 1-aad Haysata

Real Madrid ayaa toddobaadkan meel iska saartay kooxda ree Talyaani ee Atalanta kaddib markii ay ka reebtay tartanka UEFA Champions League isla markaana ay wareega siddeeda u gudbeen balse wali dadka wax saadaaliya ayaan rajo weyn ka qabin ku guuleysiga koobka ee kooxdaas.

Advertisements

Shaqsiyaadka sameeya arrimaha sharadka iyo saadaalinta ee wargeyska MARCA ayaa booska lixaad geeyay Real Madrid iyaga oo aaminsan inay jiraan shan kooxood oo kale oo haysta fursad iyaga ka wanaagsan.

Bookmakers place Real Madrid as sixth favourites to win Champions League

Saddexda kooxood ee kala ah Manchester City, Bayern Munich iyo Paris Saint-Germain oo iyaga loo arko kuwa ugu cad cad tartanka ayaa dhammaantood ka sarreeya Los Blancos.

Guuldarrooyinkii ay Manchester City xilli ciyaareedkii hore Champions League kaga reebtay Real Madrid ayaa ah kuwa looga qiyaas qaatay heerka kooxdaas ee marka ay kahor tagto kooxaha ugu xoogan haatan Yurub.

Advertisements

Sidoo kale in Real ay wali ku ciyaarsayso safkii ay wakhtigaas kaga hadhay Champions League oo aysan wax xoojin ah samaynin ayaa ka dhigan inaan isbedel badan laga filayn.

Labada kooxood ee kale ee Premier League ee Chelsea iyo Liverpool ayaa iyaguna ka sarreeya kana fursad fiican Los Blancos sida warbixintan lagu sheegay.

Kaalinta koowaad ee qiimayntan oo sida aad qiyaasan karto ay ku tartameen Man City iyo Bayern Munich oo ah kooxda koobka difaacanaysa ayay heshay City oo aan lixdii kulan ee ugu dambeeyay ee ay tartanka ka ciyaarto aan wax gool ah laga dhalinin iskaba dhaaf in laga badiyeen.

Qiimaynta MARCA Iyo Kala Sarreynta Oo Dhammaystiran

Advertisements

6 Fekradood

  1. Sanadkan waa mid keenii man city ayaa qadeysa xerta sh masour qadar ban geneyna koobka

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*