Qiimaha Xiddiga Sida Weyn Loo Doonayo Haaland Oo La Shaaciyay & Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ee Ay Saaka Qoreen Wargeysyada Yurub

Advertisements

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ma furna, balse wali wargeysyada kubadda cagta waxey baahinayaan wararka xanta ah ee la xiriira arrimaha suuqa kala iibsiga kooxaha, waxeyna koox walba xusul duub ugu jirtaa sidii ay isku xoojin laheyd marka uu suuqa furmo bisha January.

Waxaan idiin soo koobeynaa wararkii ugu dambeeyay oo ay warbaahinta ka qoreen arrimaha suuqa, inagoo u xaglin doona sheeko walba cidda qortay, taasna waxey meesha ka saareysaa inaan masuul ka noqono xaqiiqda iyo jiritaanka warka aan idiin baahinay.

Kooxda Red Bull Salzburg ayaa qiimo gaaraya 86 milyan ginni duldhigtay xiddiga weerarka ka ciyaara ee 19 jirka aadka loo doonayo Erling Braut Haaland. (Tuttosport)

Kooxaha reer Spain ee Real Madrid iyo Barcelona ayaa xiiseynaya saxiixa Haaland kaasoo wacdarro ka dhigaya Champions League xilli ciyaareedkan. (Marca)

Kooxda heysata horyaalka Talyaaniga ee Juventus ayaa u diray rag soo daawada Haaland kulankii ay Salzburg xalay barbaraha la gashay Napoli ee Champions League. (Calciomercato)

Arsenal ayaa dooneysa inay iska iibiso xiddiga khadka dhexe ee Switzerland Granit Xhaka oo 27 sanno jir ah bisha Janaayo ka dib markii laga qaaday kabtanimada kooxda. (Daily Mirror)

Kooxda Leicester City ayaa xiiseyneysa weeraryahanka reer Nigeria iyo kooxda Club Bruges Emmanuel Dennis kaasoo qiimihiisa uu yahay 20 milyan ginni;. (Daily Mirror)

Tababaraha kooxda Real Madrid Zinedine Zidane ayaa sheegay inay tahay riyada xiddiga PSG Kylian Mbappe inuu u ciyaaro kooxda Bernabeu ka dhisan. (AS)

Manchester United ayaa qiimeyneysa horumarka uu sameynayo xiddiga 19 jirka u ciyaara kooxda Burnley Dwight McNeil kaasoo shan sannadood ka hor laga fasaxay akadeemiga Man United. (The Sun)

Tababarihii hore ee Juventus Massimiliano Allegri ayaa ku haboonaan lahaa shaqada tababare ee Manchester United sida uu sheegay tababarihii Koobka Adduunka u qaaday xulka Talyaaniga Marcello Lippi. (Daily Mail)

Tababarihii hore ee kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa sheegay inuu xiiseyn lahaa shaqada tababare ee Bayern Munich ka dib markii ay dhawaan ceyriyeen tababarahooda. (beIN Sports)

Real Madrid ayaa wadahadal la yeelatay xiddiga khadka dhexe ee Isbaanishka iyo kooxda Napoli 23 jirka Fabian Ruiz iyagoo doonaya inay keenaan Bernabeu xilli ciyaareedka soo socda. (ESPN)

Arsenal ayaa bankiga u jabin karta inay la soo wareegto tababaraha kooxda Leicester City Brendan Rodgers sida uu sheegay ciyaaryahankii hore ee Gunners Paul Merson. (Sky Sports)

Advertisements

Weeraryahanka reer Argentina Mauro Icardi ayaa sameynaya wax walba oo awoodiisa ah sidii uu heshiiska amaahda ee uu ku joogo PSG uga dhigi lahaa mid joogta ah, isagoo amaah uga soo maqan kooxda Inter Milan. (RMC)

Barcelona ayaa daawaneysa xiddiga khadka dhexe ee Bayer Leverkusen iyo xulka Jarmalka 20 jirka Kai Havertz kulanka ay caawa kooxda Jarmalka la ciyaareyso Atletico Madrid ee Champions League. (ESPN)

Comments are closed.