Qiimaha Ciyaartoyda Liverpool Iyo Chelsea Ay Ku Fadhiyaan Oo La Shaaciyey Ka Hor Kulankooda Axadda

Advertisements

Jurgen Klopp ayaa dhowaan shaaciyey in Chelsea lala daba taagan yahay qasnad lacag ah oo kasoo burqanaysa hantiilaha Ruushka ah ee Roman Abramovic, laakiin ciyaartooda ugu horreysa ee ay usbuucan iskaga hor imanayaan labada naadi, waxa xaqiiqo ah in Liverpool ay ka qaalisan tahay marka la eego lacagihii lagu soo iibsaday ciyaartoyda.

Tababare Klopp oo u qiil samaynayay kooxdiisa oo aamusnaan ka gashay suuqa iibka ee xagaagan ayaa ku dooday in Liverpool ay tahay ‘koox ka duwan’ Chelsea iyo Manchester City marka la eego lacagaha ay haystaan, waxaanu tilmaamay in aanay u dhaqmi karaynin sida Chelsea oo kale.

Lampard oo u jawaabay ayaa u sheegay Klopp inuu eego ciyaartoyda uu haysto, dibna u xasuusto lacagihii ay kasoo bixiyeen ka hor inta aanu naadi kale eegin.

Advertisements

Marka ay iska hor yimaaddaan labada kooxood waxa boos walba foodda isku dari doona laba ciyaartoy oo lacagaha ay kooxahooda ku taagan yihiin ay aad u kala badan yihiin, iyadoo marka la isbarbar-dhigo koox walba qiimaha ay ku joogto naadiga ay Liverpool dheertahay £43 milyan oo Gini, taas oo ay tahay in Klopp uu xasuusto ka hor inta aanu eedaymo u jeedinin cid kale.

Chelsea waxay kulankeedii hore soo gaadhay guul weyn oo 3-1 ahayd, waxaana safkii ugu soo bilowday kulankaas ku jiray afar ciyaartoy oo kasoo baxay kulliyadda naadiga, taas oo qiimaha ciyaartoyda uu Lampard kusoo bilaabay kusoo koobtay £307 milyan oo Gini.

Liverpool ayaa iyaduna Leeds United kaga adkaatay 4-3, waxaanu Klopp isticmaalay hal ciyaartoy oo kaliya oo kasoo baxay kulliyadda kooxda, waxaanu ahaa Trent Alexander-Arnold. Isku-geynta lacagta Liverpool kusoo iibsatay ciyaartoydii ugu soo bilowday garoonka ayaa ahayd £353 milyan oo Gini.

Marka la kala gooyo qiimaha ciyaartoyda labada kooxood ee ah lacagtii dhabta ahayd ee ay kusoo iibsadeen, waxa £43 milyan dheer Liverpool.

Reds ayaa xagaagan lasoo wareegtay difaaca bidix ee reer Giriig ee Kostas Tsimikas oo ay kasoo bixiyeen £11.75 milyan oo Gini, halka Chelsea ay kharash-garaysay £230 milyan oo Gini oo ay kasoo bixisay xiddigaha Hakim Ziyech, Timo Werner, Ben Chilwell iyo Kai Havertz, halka Thiago Silva iyo Malang Sarr ay heshiisyo xor ah ugu yimaaddeen.

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

2 Fekradood

  1. Xogtiina Waxaa Ka Muuqato In Dhan U Jarjeertan Marka Naga Dhaafa Hoos Hooseyga O Noqdo Tafo Tiro Daacad Ah Ama Iska Cadeysta In Taageero Qaas Ah Tahiin Markas meel niilagu Hagaago yelaneysaan.

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*