QASAARO: Xiddig Man United Ka Tirsan Oo Lagu Qasbay Inuu Xiro Maqaaxidiisa Ka Dib Markii Lagu Yeeshay Deyn Badan

Advertisements

Juan Mat ayaa lagu qasbay inuu xira maqaaxidiisa ku taala magaalada Manchester ka dib markii uu galay deyn ku dhow hal milyan ginni.

Maqaaxida oo lagu magacaabo Tapeo and Wine ayaa albaabaha la isagu dhufto, kaliya afar sannadood ka hor markii uu xiddiga khadka dhexe ee Manchester United uu ka furay magaalada Manchester.

Bishii July ayaa la shaaciyay in ganacsiga maqaaxida uu halis ku jira islamarkaana uu dhaqaale xun soo wajahay sababo la xiriira fayraska Korona.

Advertisements

Buuga xisaabta ee maqaaxida oo la soo gudbiyay xagaagan ayaa muujinaya in maqaaxida ay gashay deyn gaareysa 772 kun ginni sannadii 2018 iyadoo deyntaas ay aheyd 593 kun ginni sannadkii 2017 iyadoo deyntaas ay haatan gaartay ku dhawaad hal milyan ginni

Warbixin ay soo saartay maqaaxida Juan Mata ayaa lagu yiri:

“Macsalaama, waadna mahadsan tihiin.

“Nasiib darro ka dib shan sannadood oo aan isku daynay inaan idiin keeno cuntada ugu fiican Spain, maqaaxideena Tapeo and Wine ma sii shaqeyn doonto.

“Waxaa qasab noqotay inaan qaadanyo go’aankaan ka dib arimo badan oo isbiirsaday, waxaan u mahadcelineynaa qof walba oo ku riyaaqay cuntadeena mudadii sannadha aaheyd.”

Mata oo 32 sanno jir ah ayaa howsha maqaaxida u dhaafay aabihiis Juan Mata Rodriguez.

Sannadkii 2016, maqaaxida waxay martigelisay xafladii ciid gaaleedka Manchester United iyadoo xafladii furitaanka maqaaxida ay ka soo qeyb galeen Mata shaqsi ahaantiisa, De Gea iyo Ander Herrera.

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*