“Qas Ayaa Ka Jiray Dhinaca Garoonka, Quraarado Ayaa Duulayay Meelkasta, Miisas Ayaa La Jajabiyay Qofkastaana Wuu Qaylinayay”

Chelsea ayaa xilli ciyaareedkan fursad fiican u haysata inay markeedii labaad ku guuleysato tartanka Champions League, tababare Thomas Tuchel ayaa usoo saaray wareega siddeed dhammaadka oo ay FC Porto kula ciyaari doonaan.

Advertisements

Chelsea ayaa dareemi karta inay horeba laba Champions League ugu soo guuleysatay, xilli ciyaareedkii, sanadkii 2009 ayay ahayd markii ay Barcelona kusoo dhaweeyeen Stamford Bridge iyaga oo og in guul ay ugu soo bixi doonaan Final-ka tartankaas.

p1f1ggv07n1vdq1t981urb19prpbrl.jpg

Waxkasta ayaa ahaa kuwo u wanaagsan Chelsea markii uu Michael Essien gool gantaal ah ka dhaliyay Barcelona daqiiqadii 9-aad ee ciyaarta.

Laakiin xaalada ayaa intaas kaddib ku xumaatay Chelsea kaddib markii uu garsoore Tom Ovrebo ka diiday dhawr rigoore oo loo arkayay kuwo cadaan ah.

Advertisements

Cadhada Chelsea ayaa noqotay mid gaadhay heerkeedii ugu sarreeyay markii uu Andreas Iniesta gool cajiib ah Final-ka koobka ugu diray Barcelona.

Andres Iniesta celebrates his late winner for Barcelona vs Chelsea in 2009

Xiddigii hore ee Chelsea ee John Obi Mikel oo ahaa bedel aan la isticmaalin kulankaas ayaa hadda ka sheekeeyay sidii ay wax u dhaceen markii qolka labiska la tagay iyo intii Tunnel-ka garoonka lasii socday.

Obi Mikel oo u warramay wargeyska The Athletic ayaa yidhi “Qas ayaa ka jiray Tunnel-ka garoonka iyo qolka labiska intaas kaddib, quraarado, walxo ayaa duulayay meelkasta, miisas ayaa la jajabiyay qofkasta wuu qaylinayay oo cabaadayay”

“Waxaan kuu sheegi karaa in waxaasi caadi ahaa marka ay kooxdaas Chelsea kulamo guuldarraysato, imika ma garanayo balse berigaas guuldarradu waxay ahayd wax aan la aqbali karin laakiin kaasi dhab ahaan waxa uu ahaa habeen waali ah, Drogba garoonka dhexdiisa ayuu ku xanaaqay kaddib halkaas ayay ka bilaabantay”

Advertisements

Chelsea vs Barcelona in 2009

4 Fekradood

  1. Weligeedba xaaraan bay ku noolayd messi ka la yidhahdana xaaraan buu ku qaaday ballan doro badan sida kii 2019kii

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*