Qalad Ka Dhacay Thomas Tuchel Oo Sababaya In Chelsea Loo Diido Saxiixa Erling Haaland

Xiriirka xun ee Thomas Tuchel kala dhaxeeya Borussia Dortmund ayaa dhaawac u geysanaya fursadaha ay Chelsea u heysato saxiixa Erling Haaland.

Advertisements

Wargeyska Jarmalka ee Bild ayaa sheegaya in tababare Thomas Tuchel uu qaab xun uga tagay Dortmund, iyadoo madaxda kooxda ay ka cagajiidayaan inay ciyaaryahan ka iibiyaan tababarahoodii hore.

Warbixinta wargeyska ayaa lagu sheegay inaysan suurtogal aheyn in kooxda Bundesliga ka dhisan ay u ogolaato Haaland inuu u wareegao Stamford Bridge xagaagan.

Inkastoo Tuchel uu koobka German Cup u qaaaday Dortmund hadana waqtigiisii halkaas waxaa lagu xusuusanayaa kaliya dagaaladii tirada badnaa ee uu la galay ciyaartoyda iyo madaxda kooxda.

Advertisements

Waxay isku dhaceen xiddigaha waa weyn sida Mats Hummels, Neven Subotic, Jakub Blaszczykowski iyo Roman Weidenfeller.

Halka uu Tuchel sidoo kale la dagaalay madaxii hore ee suuqa kala iibisga Sven Mislantat kaasoo markii danbe ka shaqo bilaabay Arsenal.

Waxaa ka dib ceyriyay madaxa guud ee Borussia Dortmund Hans-Joachim Watzke kaasoo sheegay inuu ka daalay inuu mar walba xaliyo dhibaatada tababaraha uu geysto.

Laakiin Tuchel ayaa lagu qasbay inuu ku laabto kooxdiisa hore iyadoo Chelsea ay ka mid tahay kooxaha doonaya saxiixa Haaland dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Madaxda Blues ayaa lagu waramayaa inay diyaar u yihiin inay bixiyaan lacagta saxiixa xiddigaan haddii Thomas Tuchel uu ku hogaamiyo Champions League xilli ciyareedka danbe.

Dhanka kale Haaland ayaa seegi kara Champions League xilli ciyaareedka soo socda iyadoo Dortmund ay afar dhibcood ka danbeyso kooxda kaalinta afaraad ee Eintracht Frankfurt.

Kooxdee ayay kula tahay inuu Erling Haaland u dheeli doono xilli ciyaareedka danbe?

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*