PSG Oo Barcelona Ka Cidhibtay Champions League, Messi Oo Waji-gabax La Hoyday Xilli Kylian Mbappe & Navas Damaashaadeen

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa ka hadhay tartanka Champions League oo ay soo dhaafi weyday wareegga 16ka kaddib markii ay barbarro 1-1 ah ku dhamaysteen PSG oo ay marti ugu ahayd magaalada Paris.

Advertisements

Barcelona ayaa lagu ciqaabay lugtii hore ee ka dhacday garoonkeeda ee ay PSG kusoo badisay 4-1, waxaana ciyaartan rikoodhe khasaariyey Lionel Messi oo sidoo kalena lumiyey fursado aan looga baranin inuu beer-darreeyo.

PSG ayaa la hormartay gool rikoodhe ahaa oo uu u dhaliyey Kylian Mbappe qaybtii hore, laakiin Barcelona ayaa ugu jawaabtay gool qurux badan oo uu Lionel Messi ka toogtay masaafo 30 yard ah kaas oo goolhaye Keylor Navas uu awoodi waayey inuu wax ka qabto.

Lionel Messi ayaa dhamaadka qaybta hore waxa uu kooxdiisa ka lumiyey rikoodhe, kaas oo haddii uu dhalin lahaa ay niyad wanaagsan heli lahaayeen.

Advertisements

PSG ayaa iska xaadirisay wareegga siddeedda tartanka Champions League, halka Barcelona ay ku laaban doonto dalkeeda iyadoo niyad-jabsan.

Shaxdii labada kooxood

TEAM NEWS – BARCELONA (4-3-3): Marc-Andre ter Stegen; Sergino Dest, Oscar Mingueza, Clement Lenglet, Jordi Alba; Frenkie de Jong, Sergio Busquets, Pedri; Antoine Griezmann, Lionel Messi, Ousmane Dembele.

Kaydka: Neto, Riqui Puig, Inaki Pena, Junior Firpo, Miralem Pjanic, Trincao, Konrad De la Fuente, Matheus Fernandes, Samuel Umtiti, Martin Braithwaite.

TEAM NEWS – PSG (4-3-3): Keylor Navas; Alessandro Florenzi, Marquinhos, Presnel Kimpembe, Layvin Kurzawa; Idrissa Gueye, Leandro Paredes, Marco Verratti; Julian Draxler, Mauro Icardi, Kylian Mbappe.

Kaydka: Pablo Sarabia, Abdou Diallo, Ander Herrera, Colin Dagba, Angel Di Maria, Danilo Pereira, Edouard Michut, Rafinha, Mitchel Bakker, Timothee Pembele.

Faahfaahintii kulanka

BADBAADO! Keylor Navas ayaa dedaal dheeraad ah u sameeyey si uu u badbaadiyo kubbad uu Dest kusoo garaacay Kurzawa, waxaanu goolhayaha reer Costa Rica kubaddaas ka joojiyey inay shabaqiisa gaadho.

Soddonkii daqiiqadood ee ugu horreeyey ayay Barcelona goolka PSG ku toogatay 10 jeer, halka ciyaartii hore ee Camp Nou ay 12 mar oo kaliya 90kii daqiiqadood goolka toogteen.

RIKOODHE!!!! PSG ayaa loo dhigay rikoodhe kaddib markii uu Lenglet qalad ku galay Mauro Icardi, waxaana garsooraha looga yeedhay VAR iyadoo ciyaartu cabbaar sii socotay.

GOOOAAAALLL!!! Kylian Mbappe ayaa PSG u dhiibay hoggaanka ciyaarta, waxaana uu dhinaca qaldan u diray goolhaye Ter Stegen, iyadoo ciyaartana uu ka dhigay 1-0.

Mbappe oo ay da’diisu tahay 22 sannadood iyo 80 maalmood ayaa noqday ciyaartoygii ugu da’da yaraa abid ee Champions League ka dhaliya 25 gool. Lionel Messi ayaa rikoodhkan ku gaadhay 22 sannadood iyo 286 maalmood.

Ousmane Dembele ayaa fursad dahabi ah ka lumiyey Barcelona kaddib markii uu xerada ganaaxa la galay kubbad uu isku dayay inuu shabaqa ku leexiyo iyadoo aanay wax culays ahi haysanin, laakiin Neves ayaa isku duubay sidii wax uu hore usii ogaa in kubaddu halkaas imanayso.

GOOAAAALLLL!!! Lionel Messi ayaa gool cajiib ah u dhaliyey Barcelona, waxaana kubadda uu ka toogtay masaafo 30 yard ah oo uu goolhaye Navas awoodi waayey in kubadda oo awood badnayd uu gacantiisa ku joojiyo. Allah muxuu gool ahaa. Ciyaarta ayaa noqotay 1-1, iyadoo celceliska labada lugoodna uu Messi ka dhigay 5-2 ay hoggaanka leedahay PSG.

RIKOODHE!!! Barcelona ayaa loo dhigay rikoodhe kaddib markii uu Kurzawa qalad ku galay Griezmann, waxaana kubadda qaatay Lionel Messi, hase yeeshee Keylor Navas ayaa kubadda ka qabtay, waana rikoodhihii ugu horreeyey ee Champions League ah ee Messi lumiyo tan iyo February 2015kii.

Lionel Messi ayaa fursad qaali ahayd lumiyey qaybtii dambe, waxaana kubbad loo dhigay xerada ganaaxa uu isku dayay inuu ka dhaliyo goolhaye Navas oo hortiisa taagnaa, hase yeeshee waxa kubaddaas lugta u dhigay Marquinhos oo isagoo jiifa ka diiday in Messi dhaliyo.

Kylian Mbappe ayaa dhamaadkii ciyaarta waxa uu helay fursad qaali ahayd, iyadoo uu difaaca kala soo dheereeyey kubbad ay isku kaliyeysteen goolhayaha oo uu isku dayey inuu laag awood badan ku dhaafiyo, hase yeeshee lugta bidix ee uu adeegsaday ayaa keentay in kubaddu ka dallacanto.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 1-1, laakiin celceliska labadii lugtood ayaa waxay natiijada guud ka dhigaysaa 5-2 ay guushu ku raacday PSG oo u gudubtay wareegga siddeedda.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*