Prince Mohammed bin Salman Oo Wada-hadallo Kula Jira Mulkiilaha Newcastle, Qorshihii Manchester United Oo Uu Ka Laabtay Iyo Xogihii U Dambeeyey

Advertisements

Dhaxal-sugaha Boqortooyada Saudi Arabia, Prince Mohammed bin Salman ayaa wada-hadallo kula jira mulkiilaha kooxda ka dhisan waddanka Ingiriiska ee Newcastle United, taas oo la sheegay inuu dhinaceeda u jeedsaday markii uu istaagay qorshihii ay ku doonayeen Manchester United oo horraantii xili ciyaareedkan la tilmaamay inuu iibsanayo.

Sida uu qoray wargeyska Wall Street Journal ee kasoo baxa waddanka Maraykanka, Prince Mohammed bin Salman ayaa waxa uu doonayaa in £340 milyan oo Gini uu ku iibsado Newcastle United oo mulkiilaheedu uu doonayo inuu iska xaraasho.

Advertisements

Wargeysk WSJ waxa uu tilmaamay in qaybta Maalgelinta ee Saudi Arabia ee uu hormoodka ka yahay Mohammed bin Salman ay kulan yeesheen mulkiile Ashley oo ay taageereyaashu ku cidhiidhinayaan in mulkiyadda laga wareejiyo.

Kooxda Newcastle United ayaan ka hadal wararkan, sidoo kalena Saudi Arabia ayaan waxba laga maqal, hase yeeshee waxa la ogyahay in kooxda reer England lagu leeyahay lacag dayn ah oo dhan £110 milyan, taas oo  kellifaysa in la xaraasho maadaama aanay is bixin karaynin.

Comments are closed.