Premier League Oo Sharaxday Sababta Casaan Loo Siin Waayay Luke Shaw Kulankii Xalay Ee Man United & Burnley

Advertisements

Maamulka Premier League ayaa sharxay sababta aan casaan loo siinin Luke Shaw iyo Robbie Brady daqiiqad waali ah oo soo martay ciyaartii ka dhacday Turf Moor.

Guushii ay Manchester United ka gaartay Burnley waxaa ku jira dhacdooyin muran dhaliyay oo ay ka mid ah VAR oo labo dhacdo oo isku xiran go’aan lala yaabay ka gaartay qeybtii hore.

Luke Shaw ayaa taakal ku sameeyay Johann Berg Gudmundsson isagoo ku jira qeybta garoonkiisa, wuxuu ahaa taakal uu garsoore Kevin Friend u arkay inay aheyd cadaalad.

Ka dib United ayaa weerar qaaday iyadoo Brady uu taakal ku sameeyay Edinson Cavani oo goolka u furan.

Laakiin labada qaladba waxay ahaayeen kuwa u qalmay casaan toos ah, iyadoo Shaw uu cagtiisa la waayay kubada islamarkaana uu ku dhawaaday inuu canqowga ka jabiyo Gudmundsson.

Si la mid ah Brady wuxuu qalad ku galay Cavani oo ah xiddiga ugu danbeeya ee fursad gool heystay.

Taageerayaashii daawanayay ayaa isweydiiyay sida ay VAR iyo garsooraha go’aan ugu gaareen inay ka laabtaan hurdigii Brady islamarkaana ay hurdi kaliya siiyaan Luke Shaw.

Guddiga garsooraha premier League ayaa hadaba soo saaray warbixin ay ku sharaxayaan go’aankooda.

“Daqiiqadi 27aad ee Burnley vs Manchester United, Robbie Brady waxaa loo taagan kaadhka hurdiga madaama uu qalad ku galay Edinson Cavani.

“Sida ay VAR soo jeedisay, garsoore Kevin Friend ayaa aaday shaashada dhinac taala garoonka si uu u eego haddii Brady uu mudan yahay casaan madaama uu horjoogsaday fursad gooldhalin iyo suurtogalnimada qalad uu galay Luke Shaw isla kubadaas weerarka aheyd.

“Markii uu garsooraha tagay shaashada waxaa markii ugu horeysay la tusay qaladkii uu Shaw ku galay Johann Berg Gudmundsson.

“Wuxuu go’aan ku gaaray in qaladka Shaw uu ahaa midkii soo bilaabay kubadii uu qaladka ku sameeyay Brady.

“Ciyaarta waxaa dib loo bilaabay iyadoo laad xor ah loo dhigay Burnley, kaadhkii hurdiga ee Brady oo laga laabtay iyo kaadh hurdi ah oo la siiyay Shaw.”

Khabiirada Sky Sports Jamie Redknapp iyo Garry Neville ayaa isku raacay in Luke Shaw uu nasiib ku lahaa inaan casaan la siinin xalay.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*