Pogba Oo Si Cad Uga Hadlay Waxa Ka Jira In Uu Ka Fariistay Ciyaaraha Heerka Calaami Ka Dib Hadaladii Madaxweynaha France

Advertisements

Qadka dhexe kooxda Man United ee Pogba ayaa jawaab ka bixiyay warbxino waqti sii horeeyay oo isniintii soo baxay oo sheegayay in uu ka fariistay ciyaraaha heerka caalami ee qarankiisa France .

Wargeyska The Sun ayaa soo daabacaday in Pogba uu go`aansaday in mar dambe qaranka France uusan u ciyaarin waliba uu ka carooday hadaladii madaxweyanaha France ee ka dhanka ahaa Islaamka .

Pogba ayaa bartiisa instagram-ka soo dhigay qoraal ah ” Mar kale The Sun been weyn ayay soo daabacday , wax ka jira malaha waxa ay qortay , ma jirto wax aan iri xittaa hal daqiiqo kuma fikirin in aan joojiyo u ciyaarista France”.”

Advertisements

“Waan ka niyad jabsansanahay warbaahinada qaar, magaceyga ayay ku raadinayaan aqristayaal iyaga oo iga been abuuranaya waliba adeegsanaya xiisadda haatan ka taagan France” ayuu sii raaciyay Pogba

Pogba intaas kuma joojin hadalkiisa” Pogba ahaan waan ka soo hortjeedaa wax waliba oo rabshado iyo argigixso ah , waana ka xumahay in xoriyadda warbaahinta si qaldan loo adeegsado”.

Pogba waxa uu balan uu ku qaaday in maxkmad uu la fuulayo wargeyska The Sun iyo qoraha xogtaas sida uu hadalka uu u dhigay .

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

4 Fekradood

  1. inkasta uu sheegay inuu ka fariisanin u ciyaarista qaranka hadana waxa fiicnaan leheed inuu ka falceliyo hadalka madax waynaha farance iyo aflagaadada uu u geestay islamaka iyo nabiga N.N.K.H lkn intaas ba waxa kala waynaatay kubada cagta sorry

  2. pogba wax uu kuhadalayo mayaqan mesha gaalada niyad jibilahaa ayuu qadana warkoda waxa is dhahy gessi ayuu kasoo baxay. ciyaartoyda

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*