Pep Guardiola Wuu Ogyahay In Manchester City Ay Kasoo Wada Kaban Karto Siddeeda Dhibcood Ee Ay Premier League Kaga Dambayso Liverpool.

Advertisements

Halyeeyga kooxda Barcelona iyo xulka qaranka Brazil ee Rivaldo oo ah shaqsi aqoon u leh tababaraha Manchester City ee Pep Guardiola ayaa shaaca ka qaaday waxa uu filanayo inuu haatan tababarahaasi ku fikirayo.

Rivaldo ayaa sheegay inuu filayo in Guardiola uu dareensan yahay aragtida ah inuu wali hoggaanka horyaalka Premier League oo ay haatan Liverpool siddeed dhibcood kaga hayso uu kala soo wareegi karo sanadkii labaad oo xidhiidh ah.

Image result for Rivaldo interview

Xilli ciyaareedkii hore ayay ahayd markii Liverpool ay wakhti toddoba dhibcood hoggaanka kaga sarre martay Man City balse xiddigaha tababare Guardiola ayaa kasoo wada kabtay iyagoo ugu dambayn horyaalka hantay.

“Inaan shaqsiyan u garanayo Guardiola, Inaan qolka labiska ee Barcelona isaga lasoo wadaagay, Waan ogahay isagu waa qof aad u dagan, Khibrad badan oo adag kaas oo si wanaagsan u yaqaana ciyaartoydiisa”.

“Iyadoo kulamo aad u badan oo tartanka Premier League la ciyaarayaa ay hadheen , Waxaan filayaa inuu ogyahay in Manchester City ay dhinaca kale u rogi karto siddeeda dhibcood ee ay ka dambayso Liverpool”.

Advertisements

“Guardiola waxa uu dhisay koox cajiib ah oo leh hanaan ciyaareed oo heer sarre ah, Xilli ciyaareedkii hore Liverpool ayaa sidoo kale hoggaaminaysay tartanka horyaalka iyagoo ku hayay farqi macquul ah badhtamihii xilli ciyaareedka kaddibna Manchester City ayaa horyaalka loo caleemo saaray”.

“Dabcan ma dhici doonto sidaasi markasta laakiin isagu wuu aaminsan yahay kooxdiisa waxaana uu ogyahay inaysan ka hoosaynin Liverpool sidaas darteed waxa uu aaminsan yahay inay kasoo kaban karaan xaaladan”.