“Pep Guardiola Waxa Uu Sadio Mane U Eedaynayaa Sababtoo Ah Aad Ayuu Uga Baqayaa” – Eedayntii Guardiola Ee Mane Oo Lagu Sifeeyay Mid Cabsi Keentay Ah.

Advertisements

Xiddigii hore ee kooxda Liverpool ee Jamie Redknapp oo haatan door falanqeeyenimo ku shaqeeya ayaa tababaraha Manchester City dib uga weeraray xiddiga kooxdiisii hore ee Sadio Mane oo uu dhawaan ku eedeeyay is tuuris (Quusid) uu rigoore ku raadsanayo.

Guardiola oo maalmahanba hadalo badan Liverpool ka sheegayay ayaa la aaminsan yahay inuu bilawday ciyaar maskaxeeda uu sida dadban ugu dilayo Liverpool isaga oo marna amaanay marna eedeeyay Mane.

Image result for Jamie Redknapp"

Guardiola ayaa Sky Sports dhawaan ku yidhi “Wakhtiyada qaar (Mane) wuu is tuurayaa, Wakhtiyada qaar waxa uu leeyahay hibadan uu ku dhalinayo goolasha cajiibka ah daqiiqadaha ugu dambeeya, Isagu waa mid hibo leh”.

Redknapp ayaa aaminsan in sababta hadalkaas ka keentay Guardiola aysan ahayn mid uu ku mucaaridayo xiddiga ree Senegal iyo maskax ciyaareed midna balse ay tahay cabsi dhab ah oo uu ka qabo maadaama oo uu yahay xiddiga koowaad ee Reds wakhti xaadirkan.

Jamie Redknapp ayaa yidhi “Waa wax aan caadi ahayn in la maqlo tababare waxaas ka sheegaya ciyaartoy kasoo horjeeda laakiin uma malaynayo inay ahayd in Guardiola uu ku foorjaynayo Mane kahor kulanka weyn ee Axada ee Anfield”.

Advertisements

“Muu ahayn isku day kulamo maskaxeed ah ama weerar ulakac ah, Waxaan aaminsanahay in Guardiola uu si dhab ah uga baqayo halista Mane”.

“Tababaraha Manchester City isaga maskaxda ayuu ku hayaa, Wuu ogyahay in 27 jirkani uu yahay ciyaartoyga ugu muhiimsan Liverpool haatan, Isagu waa ninka 1-aad ee Jurgen Klopp sida la caddeeyay Sabtidii”.

4 responses to ““Pep Guardiola Waxa Uu Sadio Mane U Eedaynayaa Sababtoo Ah Aad Ayuu Uga Baqayaa” – Eedayntii Guardiola Ee Mane Oo Lagu Sifeeyay Mid Cabsi Keentay Ah.”

  1. Pep Gaurdiola xaarka xajiso inta ka hadhasan axada danba anfeild waad ugu xaari doontaye ileen sadio waa diyar alle mooye ayaa ka qaban doona sadio mane😎

  2. Inkastoo sadasha natijada ey adagthy mane iyo liverpool guulbaan urajeynaya
    Man city na 😂 hoog iyo halaag🤣