Pep Guardiola Oo Sharraxay Sababta Uu Goolhaye Ederson U Badalay Kulankii Atalanta – Miyuu Ciyaari Doonaa Kulanka Liverpool?

Advertisements

Pep Guardiola ayaa shaaca ka qaaday in goolhaye Ederson Moares uu dhaawac soo gaaray kulankii ay ku dhibtoodeen ee xalay ka dhacay talyaaniga, waxaana shaki la galinayaa inuu kasoo muuqdo kulanka Liverpool ee Axadda.

Claudio Bravo ayaa lagu badalay goolhayaha reer Brazil bilowga qeybta labaad, isna casaan ayaa la siiyay kadib markii uu qalad ku sameeyay xiddig ka tirsan Atalanta.

Kooxda difaacaneysa horyaalka Premier League ayaa kulanka ku dhameysatay 10-ciyaartoy iyadoo Kyle Walker uu noqday goolhaye, natiijadii ay xalay heleen waxey ka dhigan tahay iney ku qasban yahiin dhibco siyaado ah iney raadiyaan si ay ugu soo baxaan wareega 16-ka koobka yurub.

Guardiola dhibaatada ugu weyn wuxuu kala kulmayaa dhaawaca Ederson iyadoo uu kusoo wajahan yahay kulan weyn, waxaana cabsi laga qabaa inuu diyaar u noqon waayo ciyaarta Reds.

“Wakhtigaan, ma garan karo, waa dhibaato dhanka muruqa ah” ayuu yiri Guardiola.

“Wuxuu dareemay xanuun daqiiqadahii ugu dambeeyay qeybta hore, waan arki doonaa sida uu noqdo berito”

“Waa dhaawac muruq ah, waan isku dayi doonaa inaan helno, balse ma dooneyno inaan qatar galino xiddiga naftiisa”

Advertisements

“Xabi Mancisidor (macalinka goolhayayaasha) ayaa igula taliyay inaan Kyle Walker u doorto inuu goolka qabto sababtoo ah wuu xawaare badan yahay”

Si kastaba Guardiola wuxuu aad ula dhacay sida uu xiddiga reer England isugu dayayo inuu kooxda ka caawiyo boos walba.

Comments are closed.