Pep Guardiola Oo Shaaciyay Halka Xiddig Ee Man City Ee Uusan Waligiis Iibin Doonin Xitaa Haddii 500 Milyan Lagu Soo Dalbado

Advertisements

Phil Foden ayaa loo arkaa mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican ee mustaqbalka leh ee kubada cagta caalamka.

Kulamo yar ayuu u ciyaaray kooxda Manchester City tan iyo markii uu kulankiisii ugu horeysay u dheelay sannadkii 2017, laakiin tababare Pep Guardiola ayaa si weyn u qiimeeya tayada xiddiga khadka dhexe.

“Waxa badan ayaa ka sheegay shirarka jaraa’id, laakiin isaga hortiisa kama dhihin, Phil waa xiddiga ugu tayada badan ee aan abid arkay waayaheyga tababarenimo” ayuu Guardiola oo soo tababaray xiddigo sida Lionel Messi yiri bishii July.

Isagoo haatan saxaafada la hadlayay xilli uu da’ yarka ku biiray xulka Ingariiska ee da’dooda ka yar tahay 21 sanno, Guardiola ayaa sheegay in Foden uu yahay ciyaaryahanka kaliya ee aysan Man City iibin karin.

“Si kama ah kuma siinin Foden qandaraas cusub” ayuu yiri tababare Guardiola.

“Waa ciyaaryahanka kaliya ee aan la iibin karin xaalad kasta oo timaado – waa xiddiga kaliya ee aan iib aheyn. Xitaa haddii 500 milyan euro lagu soo dalbado.

“Phil meel uma socdo. Phil waa City. Booskiisa cid kale uma keensan doono. Marka David Silva uu baxo, waan ognahay xiddiga booskiisa noo buuxin doona.”

Advertisements

Waa amaan kale oo aad u weyn oo uu Pep Guardiola dusha kaga tuuray da’ yarkaan.

Phil Foden weli waa 19 sanno jir, laakiin waxa uu u baahan yahay inuu kubad joogta ah ciyaaro si uu u gaaro hamigiisa.

One response to “Pep Guardiola Oo Shaaciyay Halka Xiddig Ee Man City Ee Uusan Waligiis Iibin Doonin Xitaa Haddii 500 Milyan Lagu Soo Dalbado”

  1. Abdihakin Halane says:

    Phil forden waa ciyaaryahan mustaqbal fican leh o tayadisu muuqato runtii wuna anfacaya pep iyo MN CITY bo

    Mhdsndn