Pep Guardiola Oo Muujiyey Deeqsnimadiisa, Lacagtii Ugu Badnaydna Ugu Yaboohay La Dagaallanka Coronavirus

Advertisements

Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa ka mid noqday dadka dhaqaalaha ugu badan ugu yaboohay la dagaallanka caabuqa Coronavirus, waxaanu bixiyey lacag la mid ah tii ay Lionel Messi iyo Robert Lewandowski bixiyeen.

Pep Guardiola waxa uu Salaasadii gacanta ka saaray jimciyadda taakulada ee Angel Soler Daniel Foundation lacag dhan hal milyan oo Euro iyo qalab caafimaad oo qayb ka noqda dagaalka degdegga ah ee lagula jiro aafada Coronavirus.

Lacagtan ayaa loo isticmaali doonaa in lagu soo iibiyo qalabka loo isticmaalo ka hortagga xanuunkan, sida maaskaro, golofisyo, muraadiyadaha indhaha iyo daawooyinka dila caabuqa ee gacmaha lagu dhaqdo.

Dhinaca kale, xiddiga Barcelona ee Lionel Messi ayaa Salaasadii ku deeqay 1 milyan oo Euro si loogu adeegsado la dagaallanka Coronavirus.

Sidaas oo kale, Col·legi de Metges de Barcelona (COMB) ayaa gobolka Catalonia ka ururisay qaadhaan gaadhaya 33,000 Euro.

Advertisements

Si kastaba, xaaladda xanuunka Coronavirus ayaa faraha kasii baxaysa, waxaana dadka uu illaa hadda ku dhacay ay marayaan 422,966 dunida oo dhan, hase yeeshee daqiiqad kasta isbeddel ayaa ku dhacaya, waxaana badanaysa tirada dadka uu haleelay.

Illaa hadda waxa u geeriyooday 18,906 qof oo 6,820 ka mid ah ay Talyaaniga ku geeriyoodeen, halka Spain iyo Maraykanka ay dhimashadu kala marayso 2,991 iyo 782.  Sidoo kale, Iran ayay dadka dhintay marayaan 1,934 qof.

Comments are closed.