Pep Guardiola Oo Casho Dusheed Uga Dhaadhiciyay Sergio Aguero Falfasadiisa Ciyaareed & Xilli Aguero Uu Doonayay Inuu Baxo

Advertisements

Taageerayaasha Manchester City ayaa ka baqayay in weeraryahan Sergio Aguero uu ka tagayo kooxda bishii Janaayo 2017 markii ay arkeen sawir laga qaaday xiddiga reer Argentina iyo tababare Pep Guardiola oo wadahadal ku jira.

Weeraryahanka reer Argentina iyo wakiilkiisa ayaa lagu sawiray iyagoo la caseynaya tababaraha reer Spain bartamaha magaalada Manchester.

Waxa aheyd waqtigaas ku beegneyd xilli uu weeraryahankii hore ee Atletico Madrid uu booskiisa kooxda u waayay saxiixa cusub Gabriel Jesus.

Kulankaas cashada ayaana yimid xilli Aguero uu ka fiirsanayay inuu isaga tago kooxda madaama uusan boos joogta ah ka heyesanin.

Wixii kulankaan lagu hadlay ayaa haatan lagu soo bandhigay buug cusub oo la yiraahdo: Pep’s City: The Making of a Superteam.

Waxaa buuga lagu sheegay in Guardiola uu kulankaas cashada u sameeyay inuu u sharaxo xiddiga reer Argentina falsafadiisa ciyaareed.

Pep waxa uu doonayay in Aguero uu raacashada badiyo, inuu kubad heysashadiisa horumariyo iyo inuu soo bandhigo howlkarnimo lama mid ah xiddigaha kale ee kooxda.

Waxa uu doonayay inuu ciyaaryahanka noqdo mid ka duwan sidiisii hore, waana uu ku guuleystay.

Aguero ayaa yiri: “Pep waxa uu i weydiistay inaan isku dayo qaab cusub oo kubadeed, waxaan ku qasbanaa inaan la qabsado. Ma aheyn wax sahlan laakiin doorasho ma aanan heysan.

“Ciyaarteyda waa ay ka duwan tahay haatan sidii aan ahaa shan sannadood ka hor markii ay City joogay. Gabi ahaanba isbedel ayaa ku dhacay.

“Cashadaas waxaan uga hadlaynay waxyaabo badan.

Advertisements

“Marar badan ayaa dib u dhignay cashada laakiin ugu danbeyn waan kulanay. Waxaan shaqada ka hadlay 20 daqiiqo.

“Cashada inteeda kale waxaan ka hadalnay waxyaabo kale sida qoyska iyo guud ahaan nolosha.”