Pele Oo Isku Dhiibay CR7! Pele Oo Fariin U Diray Cristiano Ronaldo Oo Xalay Jabiyay Rikoodhkii Halyeeyga Reer Brazil

Pele ayaa ugu hambalyeeyay Cristiano Ronaldo inuu jabiyay rikoodhkiisii gooldhalinta ka dib seddexleydii uu xalay u dhaliyay kooxda Juventus horyaalka Serie A.

Advertisements

Juventus ayaa 3-1 ku garaacday kooxda Cagliari iyadoo weeraryahanka uu seddex gool ku dhaliyay 22 daqiiqo gudaheed.

Pele ayaa hore u sheegtay inuu dhaliyay in ka badan 1000 goolal, laakiin fariintiisa hambalyada ayaa ka dhigan inuu haatan aqbalay in Ronaldo uu jabiyay rikoodhkiisa goolasha rasmiga ah ee u diiwaangashan.

36 jirkaan ayaa dhaliyay goolashiisii 770aad ee waayihiisa ciyaareed isagoo seddex gool ka sarre maray halyeeyga reer Brazil.

Pele ayaa baraha bulshada u soo mariyay fariin hambalyo ah xiddiga shanta jeer ku guuleystay Ballon d’Or.

Wuxuu Instagram ku soo qoray: “Cristiano, noloasha waa dagaal shaqsi ah. Qof walba safarkiisa gooniga ah ayuu soo maraa. Alla maxaad safar qurux badan mareysaa!

“Wax badan ayaan ku jeclahay, waxaan jeclahay inaan daawado ciyaartaada, taasi cidna kama qarsoona.

“Hambalyo inaad jabisay rikoodhkeygii gooldhalinta ee tartamada rasmiga ah. Qoomamada kaliya aan qabo ayaa ah inaan maanta laabta ku gelin karin.

“Laakiin waxaan kaaga tagayaa sawirkaan oo aan kugu sharfayo, anigoo ku haya muxibo weyn, waxay calaamad u tahay saaxiibtinimada ina dhex tiilay sannado badan.”

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*