Paul Scholes Oo Saaxiibkiisii Hore Ole Gunnar Solskjaer U Sheegay Safka Ugu Xoogan Uu Kooxda Ciyaarsiin Karo – Adiguba Qiimeey!

Advertisements

Halyeeygii hore Man United Paul Scholes ayaa u sheegay saaxiibkiisa Ole Gunnar Solskjaer safka ugu xoogan uu aaminsan yahay iney kooxda guulo ku hogaamin karaan kadib markii ay kooxda 3-0 guul ah gaartay xalay kulan ka tirsan UEFA Europa League.

Red Devils ayaa garaacday kooxda Partizan Belgrade, natiijadaas ayaana u sahashay iney durba iska xaadiriyeen wareega 32-aad ee tartanka iyagoo laba kulan gacanta ku heysta.

Scholes wuxuu aaminsan in Ole Gunnar uu u baahan yahay inuu waxyar isku hagaajiyo kooxdiisa maadaama ay wareega 32-aad usoo gudbeen, sidoo kalana wuxuu doortay shaxda ay la tahay inuu ciyaaro si uu u badbaadiyo xilli ciyaareedka sii dhimanaya kooxda ee dhanka horyaalka.

Paul Scholes waxaa shaxdiisa kasoo muuqday da’yarka Axel Tuanzebe, xiddigaan dhaawaca kasoo toosay wuxuu daafaca dhexe la ciyaarsiiyay Harry Maguire, sidoo kalana wuxuu meesha ka saaray suuragalnimada Ashley Young, Fred iyo Lindelof ay uga mid noqon karaan safka hore.

Isagoo ku sugan BT Sports ayuu soo hadal qaaday in Ole Gunnar ay u wacan tahay inuu ciyaaro hanaanka (4-4-1-1) taasoo ciyaartoyda qaar siineysa fursado fiican sida uu aaminsan yahay.

“Goolhayaha isagaa naftiisa qeexaya, sida iska cad waa mid ka mid ah kuwa ugu wanaagsan” ayuu yiri Scholes oo ka hadlayay De Gea.

“Waxey ila tahay in afarta dambe ay su’aal ka taagan tahay iyo cidda la ciyaari laheyd Maguire, waan ka helay inta kasoo hartay”

“Waxaa loo baahan yahay shaqsi xoog leh, xawaare badan, ciyaartoyda kasoo horjeeda la dagaalami kara, marka uu Tuanzebe yimid kooxda fasalkaan, wuxuu iila muuqday inuu isaga noqon karo”

Advertisements

“Waa calaamad su’aal, kuma qanacsani Rojo, sidoo kale Lindelof, waxey ila tahay in Tuanzebe la siiyo dhawr kulan, wuu fiicnaan karaa”

Sidoo kale Pogba iyo McTominay ayuu dhexda u doortay, sheekada cajiibka ah waxey tahay inuu kooxdisia kusoo daray Greenwood oo ah da’yar wax badan sameyn kara.

Comments are closed.